Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Oo Lagusoo Dhaweeyey Magaalada Muqdisho
Muqdisho(OWN)- Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaadhay Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornel C/llaahi Cabdi,iyadoona si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.
Soo dhaweeynta Wafdiga Taliyaha Ciidanka Jabuuti, ayaa waxaa ka qeyb qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Agaasimaha Guud ee Hay’adaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ,Maxamed Aadan Koofi, Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti,ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.
waxaana Taliyaha inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.