Jaalle Axmed Salebaan Dafle oo keenay Wasiirka Khaarijiga Eritrea Somaliland

Muwaadin Heegada Hargeysa Iyo Daba Qoodhigooda Oo Caan Ku Ah Ka Badbadinta Ama Exaggeration-Ka Waxa Loo Yaqaan Iyakoon Ixtiraamin Caqliga Muwaadinka Waxay Lahayeen Raysalwasaarihii Eriteriea Ayaa Yimi Waa Arrin Lagu Qoslo Eriterea Malaha Raysalwasaare ………. Waxay Ku Odhan Donaan Dawlada Imaraadka Carabta Ayaa Soo Dhameysay Imaanshiiyaha Oo Maxay Hada Ka Hor Usoo Dhamayn Wayday….

Wasiirka Khaarijiga Ee Eriteria Waxa Soo Dhameeyey Inu Yimaado Macaali Wasiir Faratoon Isagoo Kaashanaya Inadeerkii Sareeye Gaas Somaali Dhab Darwiish Wiil Hoog Ah Axmed Salebaan Cabdille Aka Ina Salebaan Dafle Iyo Inadeerkii Safiir Sare Diplomacy Caalami Ah Akhwaanka Dariiqda Sheekh Ka Mid Ah Jaalle Maxamuud Xaaji Nuur Cabdalle Oo Dhalinyarada Ku Xerani Labadaa Masuul Ay Isticmaleen Hotlines Ay Ku Lahayeen Dalka Eritrea …….. ………… Madaarka Hargeysa Mucaawinadii lagu Dhisay ninka Xukuumada Kuwait Uga soo Dhameeyey Madaxweyne AL-Xaaji Axmed Silaanyo iyo Macaali Wasiir Maxamed Xaashi Cabdi Si Dadban Iyo Si Toos Ah Ba Ninka U Soo Dhameeyey Xidhiidhkaa Sareeye Gaas Axmed Salebeen Dafle Ayuu Ahaa …. Sawirka Waad Aragtaan Jaalle Axmed Salebaan oo Amiirka Kuwait la fadhiya …….Kadidna Waatii Kuwait Carartay Markay Ka Yaabtay MusuqMaasuqa ……

Arrinkan Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle Oo Muqdisho Midnimada Somaliya Iyo Afrika Uga Muusanabayey Maalimihii Ina Dhaafay Isna Door Shariif Ah Ayuu Ka Ciyaaray Inaan Madaxweyne Farmaajo Ka Celin Hawada Diyaarada Eritrea , Muwaadin Waa Sir Cid Ha U Sheegin Diyaaradu Markay Soo Gasho Hawada Somaliland Xamar Baa Leh Ogalaashaha Soo Fadhiisiga Ooy La Hadlaysaa Inay Marka Horeba Hawda Soo Gasho ……………… Dawlada Eritrea Waxa Loogu Yeedhay Kaalayo Jaalle Farmaajo Na Dhexdhexaadi.

Tariikhda Aan Dib Ugu Noqono Bilowgii Saxiibtinimada Sareeye Gaas Axmed Salebaan Dafle Iyo Dawlada Eritrea. Waqti Ay Tahay 1965-1966 Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali ( AHUN ) Oo Safiir Ka Ah Khartuum Sudan Oo Somaliya U Fadhiya Ayuu U Yimi Halgamaa Sare Cismaan Saalax Sabi ( AHUN ) Markaasuu Ku Yidhi Waar Jabhad Cusub Baanu Nahay Ethiopia Ayaanu Dooneynaa Dalkayaga Inaanu Ka Saarno Idina Waydinka Dagaalkii 1964 Ku Qaaday Aynu Kubada Dhinac U Wada Laadno Waxaanu U Bahaanay Baasboorto Taakulayn Wax Kasta …………… Madaxweyne Cabdiraxmaan ( AHUN ) Oo Hawlahaa Allah U Diray Ayaa U Soo Dhameeyey In Basboorto Diblomaasi Ah Iyo Waxoogaa Lacaga Ah In La Siiyo Sarakiisha ELF ( Eritrean Liberation Front ) Oo Markaa Weli EPLF ( Eritrean People’s Liberation Front ) May Samaysmin Oo Wakhtigaa Weli Madaxweyne Isaias Afwerki Arday Buu Ka Yahay Jaamacada Addis Ababa Oo Uu Ka Tegi Doono 1965-1966 Si Uu Ugu Biiro Jabhada ELF Intaanu Isagu Samayn Jabhada EPLF …….

Dawladii Riyadka Ahayd Ee Somaliya Ee Ay Hogaminayeen Madaweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke (AHUN) Iyo Raysal Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim (AHUN) Way Ku Adkeyeen Safiir Sare Cabdiraxmaan Axmed Cali ( AHUN) Inay Hawsha Lagalaan Oo Dhawr Basaboor Oo Diblomaasi Ah Waxaan Ahayn May Siin Iyo Waxaan La Sheegin Oo Lacag Ah …………….. Yeelkeede

Kacaankii Markuu Dhashay 21 Oktober 1969 Ee Madaxweyne Maxamed Siyaad ( AHUN ) Meesha Qabsaday Ayaa Sirdoonka Loo Dhiibay Sareeye Gaas Axmed Salebaan Cabdalle Loona Yaqaan Jaalle Ina Salebaan Dafle Duqa Jaalle Ina Salebaan Dafle Ah Sool Ha U Dhasho Lakiin Waa Nin Reer Saaxil Ah Dariiqada Sheekh Ku Soo Barbaaray Oo Adeerkii Jaalle Xaaji Nuur Cabdalle ( AHUN ) Ayaa Soo Koriyey Jaalle Cabdiraxmaan Axmed Cali ( AHUN) Walaalkii Aabaha Tacliinta Maxamuud Axmed Cali ( AHUN ) Ayaa Sheekh Kusoo Koriyey ……….

Isla Markii Kacaanku Dhashayba Jaalle Cabdiraxmaan Axmed Cali ( AHUN) Saxiibkii Jaalle Axmed Salebaan Dafle Ooy Isla Soo Koreen Ayuu Ula Tagay Arrintii Eritrea Wuu Ka Dhaadhiciyey In Basboorto La Siiyo Xamar Na Loo Ogolaado Inay Yimadaan Arrinkii Jaalle Axmed Salebaan Dafle Wuxuu Ula Tagay Jaalle Maxamed Siyaad ( AHUN) , Duqii Jaalle Maxmed Siyaad (AHUN ) Arrinkii Wuu U Khushuucay Jaalle Axmed Salebaan Dafle Wuxuu Faray In Wax Walba Loo Fududeeyo Jabahadaa Eritrea Sidoo Kale Madaxweyne Maxamed Siyaad (AHUN) Wuxuu Ka Dhigay Safiirka Somaliya U Fadhiya Ethiopia Jaalle Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHUN) Isago Ku Yidhi Waar Mixnad Baad Tahaye Bal Meesha Ka Biyo Keen…… Hadaanu Halganka Eritrea Jaale Axmed Salebaan Dafle Iyo Jaalle Cabdiraxmaan Axmed Cali ( AHUN ) Heli Layahn On The Right Time Weligood Halgankoodu Muusoo Dhafeen ” Kasala ” Waa Tuulo U Dhaxeysa Sudan Iyo Eritrea …………. Tariikhda Maalin Kale Ayeynu Ka Sheekayn Donaa Ee … Markii Dawladii Dhexe Ee Somaliya Burburtay Waa Wuxuu Ugu Qaxay Sareeye Gaas Axmed Salebaan Dafle Dalka Eritrea Intaanu Europe Iman Ka Hor………

Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali ( AHUN) Oo Keliya Maha Garxajis Men -Ka Iyo Darwiishta Afrika Ka Halgamay Waxa Jiray Abaandulayaal Afrika Ka Dagaalamay min Guinea-Bissau ilaa South Africa iyo inta u dhaxaysa Sida Halgamaa Sare Garxajis Wiil Hoog Ah Sayid Sareeye Gaas Maxamed Xaashi Dhamac aka Lixle , Halgamaa Sare Garxajis Wiil Hoog Ah Damal Sareeye Gaas Cabdiqaadir Kosaar , Halgamaa Sare Garxajis Wiil Hoog Ah Somajeeste Sareeye Gaas Ibraahim Aw Muxumed Sacmaal Iyo Qaar Kaloo Badan Hada Bal Eeg Mar Dhaw Bay Odhan Donaan Horjoogaha Heegada Hargeysa Iyo Labadii Dumarka Ahaa Ee Social Media Ka Hadli jiray Maxaa BARI YAALA .?!… Garhajis Nation Midaynta Afrika Ayuu Weligii U Taagnaa Somaliyina Waa Qayb Afrika Ka Mid Ah .

 

 

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker