Madaxwaynaha Ruushka oo Si Adag U difaacay Dhiggiisa Maraykanka Ee Trump oo Ay ku Socoto Xilka Xayuubin

Madaxwaynaha Ruushka Vldamir Putin ayaa ka dareen celiyay maamuus ka Xayuubinta lagu sameeyay Madaxwaynaha Maraykanka Trump, waxana uu ku tilmaamay mid aan sax ahayn oo la Buunbuuniyay, sidaana waxa uu ka sheegay Shir Sanadle ah oo uu ku qabtay Moskow.

 

“Xisbigii lumiyay doorashadii [2016] ayaa ku jira dagaal wajiyo badan leh oo uu Doonayo inuu talada kula wareego” ayuu yidhi Putin.

“Maamuus ka xayuubintan iyo sharciga loo cukadayba waa mid  wali u baahan in loo helo aqlabiyad golaha Sare ee Senet-ka oo aan ogahay in Dimuquridiyiintu ay ku tiro yaryihiin, umana malaynayo inay meelmarayso ra’yi ahaantayda.

 

Isaga oo hadalka sii wata ayuu Putin yidhi “Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku eedeeyay Trump inuu Ruushka taageero ka helay, baadhid kadibna waxa ay soo baxday natiijadu in shirqoolka doorashada ee ay sheegeen uu noqday mid aan jirin, wayna ku guul-darayteen taas. Hadana waxa ay diirada saareen Ukraine oo ay intan la shir yimaadeen, mana u malaynayo inay tahay mid midho dhalaysa”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker