Madaxweynaha JSL Oo Xeer Ku Dhaqan Galiyay Qabsoomida Doorashooyin Wakiillada Iyo Deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku taariikhaysan 16/01/2021, kaas oo u jeedadiisu ahayd Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay ee ku taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna ahayd Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker