Haweeney garaacday macalinkeeda ilaa uu ka dhintay

Waxaa xabsi daa’in lagu xukumay gabar 17 sano jir ah oo ka soo jeeda gobolka Lowa ee dalka Mareykanka, kaddib markii ay garaacday macalinkeeda ilaa uu ka dhinto.

Willard Miller, ayaa tallaabadaas qaaday kaddib markii ay natiija aan wanaagsanayn ka keentay imtixaanka, waxayna ugu dambeyntii qiratay dembigii lagu soo eedeeyay.

Waxaa sidookale lagu amray inay lacag magdhow ah siiso qoyska uu ka soo jeedo macalinkaas, taas oo gaareysa ilaa $150,000 (£117,000).

Macalinka oo lagu magacaabo Nohena Graber ayaa asal ahaan ka soo jeeday dalka Spain.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker