Fahad Yaasin oo Ku Eedeyaay Mahad Salaad inuu Ka Mid Yahay Alshabaab

Agaasimihihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo maalmahan bixinayey Waraysiyo Taxane ah ayaa maanta eedayn culus u jeediyey Agaasimaha cusub ee NISA, Mahad Salaad isaga oo ku eedeeyay inuu xidhiidh toos ah iyo wada shaqayn wayn la leeyahay Ururka Al-Shabaab ee ka Dagaalama Soomaaliya.
“Mahad Salaad Lama shaqeysto Al Shabaab ee xitaa wuu u shaqaynayey 10 ilaa 8 sano ee lasoo dhaafa ayuu shaqaalle u ahaa, Dambiyo dalkaan ka dhacay oo waa weyn ayuu qeyb ka ahaa Mahad Salaad”
“Wuxuu xitaa isku dayay inuu dilo Raysal Wasaare hore, Qorshahaas markaan ogaaday ayan wacay Raysal Wasaarihii, waxaana ku idhi Mahad Salaad miyaad kulan la leedahay, Haa ayuu igu dhahay, Kadib waxaan ku idhi Iska Baaji Kulankaas xaalad amni daro darteed, Xogtaas aan ogaaday darteed ayuu Raysal Waasaarihii ku nool yahay maanta”
“Waanka naxay in ninkaas markii loo magacaabay xilka NISA, Xitaa Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Warqad ayaan u qoray inuu Mahad Salaad u dhiibin xilkaas, Laakiin si Saaxiibtinimo ah ayuu ugu dhiibay”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker