Dhir lagu daweeyo Fayraska Covid-19?

Bishii April ee sannadkan, dalka Madagascar ayaa soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii uu shaaciyay in dhir maxalli ah uu kula tacaali doono Fayraska Korona.

Madaxweynaha waddankaasi, Andry Rajoelina, ayaa shacabkiisa u ammaanay cabitaan ka sameysan dhirta loo yaqaan Artemisia.

Illaa hadda ma jirto caddeyn muujinaysa in dhirtaasi – oo qeyb ahaan lagula tacaalo cudurka Malaariyada – ay wax ka tari karto fayraska Covid-19, sida ay shaacisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Hadaba maxaa laga ogyahay dhirtaasi?

Dhirta Artemisia ayaa asal ahaan ka timid qaaradda Aasiya, waxaana hadda ay ka baxdaa caalamka oo dhan gaar ahaan deegaannada kuleylka iyo qoraxda leh.

Dadka Shiinaha ee xanuunnada ku daweeya dawo dhireedka ayaa muddo 2,000 oo sano ka badan ku dabiibi jiray cuduro ay duumada ama malaariyada ka mid tahay, waxayna sidoo kale u isticmaali jireen xanuun baabi’iye iyo qandho jebin.

Shiinaha waxaa dawo dhireedkan looga yaqaan “qinghao.”

Artemisia wax ma ka tari kartaa Covid-19?

Madaxweynaha Madagacscar, Rajoelina, ayaa bishii April ee sannadkan sheegay in tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen in dawo dhireedka laga sameeyo Artemisia ay waxtar u leedahay bukaannada Covid-19. Sheegashadaasi ayuu markale ku celiyay bishan September.

Balse ma jirto caddeyn si shaac-baxsan u muujinaysa arrinkaasi.

Sidoo kale lama oga waxyaabaha laga sameeyay cabitaanka ay soo saartay Madagascar, inkastoo dowladda dalkaasi ay sheegtay in 60″% ay tahay dhirta Artemisia oo la farsameeyay.

Dalkaasi ayaa sidoo kale billaabay soo saaridda kaabsool iyo dawo kale oo la isku duri karo, kuwaas oo hadda maraya heer tijaabo ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker