Kuuriyada Waqooyi Oo isu diyaarinayso Gantaal Ay Hawada Sare U Dirto

Sawirro uu qaaday dayax gacmeed dulmaray xarun ku taal meel u dhow caasimadda Pyongyang ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay isu diyaarinayso inay tijaabiso gantaal ama ay hawada sare u dirto satellite.

Warkan ayaa ku soo beegmaya maalma uun ka dib markii ay laba xarumood oo cilmi baadhista ah oo Maraykanka ku yaal ay sheegeen in dalkaasi uu dib u dhisay goob gantaallada laga riddo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqata inay samaysanayso gantaal ay mustaqbalka dhaw tijaabin doonto, sida ay tilmaamayaan khubarada hubka ee Maraykanka.

Dhaq-dhaqaaq ballaadhan ayaa ka socda xarunta gantaallada lagu diyaariyo ee Sanumdong oo ku taal meel u dhaw caasimadda Pyongyang.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker