Dagaal La Sheegay inuu Demada Laasqoray ee Gobolka Sanaag Ku Dhexmaray Ciidamda Qaranka Somaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland

Hargeysa (OWN ) – Warar kala duwan ayaa ka soo Baxaya   Dagaal La sheegay inuuu  U dhexeeyo  Ciidanka Qaranka  Somaliland iyo kuwa Maamulka Puntland oo saaka Aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waooyiga Somaliland .

 

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa la sheegay in labada dhinac ay Is weydaarsadeen Hubka Noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku  dhexmaray ciidamo ay kala Wateen guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Dowlad goboleedka Puntland Cali Xuseen iyo guddoomiyaha degmada Badhan ee  Somaliland Maxamuud Xaamud.

 

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay dagaalkan, Halka uu mid kalena  ku dhaawacmay , kaas oo haatan lagu dabiibayo Xarun Caafimaad oo ku taalla Laasqoray.

 

Sidoo kale ilo deegaanka ah aya noo SHeegay in weli cabsi ay ka jirto gudaha degmada, islamarkaana laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

 

Somaliland iyo  Maamulka Puntland oo isku haya Gobollada Sool iyo Sanaag ee ku yaalla waqyooyiga dalka Somaliland  ayaa marar badan ku dagaalamay deegaano hoostaga gobolladaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker