Gabdho ka baxsadey koox ay u afduubnaayeen dalka Nigeria

Siddeed gabdhood oo u dhashay dalka Nigeria oo kooxo hubeysan ay labo todobaad ka hor ku qafaasheen waqooyiga gobolka Kaduna, ayaa ka baxsaday kooxihii afduubka u heystay.

Ardeydan ayaa waxaa gacanta ku dhigay koox hubeysan, xilli ay ka soo baxeen dugsi sare oo ay dowladdu leedahay, oo ku yaalla Awon oo katirsan deegaanka Kachia.

Guddoomiyaha ammaanka ee gobolka Kaduna, Samuel Aruwan, ayaa sheegay in ardaydan ay ku baxsadeen kayn qaro weyn oo u dhow xadka gobolka Niger.

Ardaydu ayaa waxay socdeen maalmo, ka hor inta aanay is haleelin qaar kamid ah dadka tuulada, ayuu yiri.

Waxaa la geeyey xarun ciidan oo ku taalla Kaduna, si ay daryeel caafimaad u helaan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Kooxaha burcadda ah ee inta badan ka howlgala meelo fog fog oo waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria ku yaalla, ayaa inta badan afduubta ardayda, waxayna dalbadaan lacago madax furasho ah oo aad u badan, si ay xoriyaddooda u helaan ardeyda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker