DP-WORLD Somaliland miyay dhacday mise waa ay maal gelisay sadex sano ka dib markii la kala saxeexday heshiiskan? FAALLO

Dekeda Doraleh ee D’jibouti iyo Dp world wada disteen oo dhan 1050 mitir ayaa 3.1 jeer ka jaban lacagta ku baxaysa dekeda ay DP-WORLD u dhisayso Berbera oo dhan 400 mitir.

Waxa ay aynu is barbardhig yar ku samaynaynaa dekeda Jabuuti ee Doraleh oo ay DP world wax ka dhistay cabirkeeda, qaadkeeda (capacity geeda) iyo lacagtga lagu dhisay iyo dekeda Berbera kaas oo uu ku jiro is qardhaaf ama faraq aad u badan.

Doraleh PORT
1. 1050 mitir dhererka
2. Qiimaha (cost ka) ku baxay $363 million (cost per mitir =$345714)
3. Capacity 1.25 million TEUs (20 feet container)

Berbera PORT
1. 500 mitir dhererka
2. Qiimaha (cost ka) ku baxaya $442 million (cost per mitir $884000)
3. Capacity 450,000 TEUs (20 feet container)

1.Dhismaha lacagta ku baxaysa dekeda Berbera waxa ay sadex jeer ka badan yahay ka ku baxay Dekeda Doraleh.

2. Dekada Berbera waxa ay ka qaad yarta hay dekeda Doraleh 2.76 jeer ku dhawaad sadex jeer.

Dekeda Berbera DP world waxa ay maamulaysay imika 3 sano. in kasta oo aanan hubin lacagta maalin kasta ka soo baxda dekeda hadii aynu eegno miisaaniyadii 2017 ee somaliland dekedda waxa ay sheegen in ay ka soo baxday $33,761,974.

DP World waxa ay sheegtay in 27% uu kordhay dakhligii ka soo xaroon jiray intii ay la wareegtay Dekeda Berabera taas oo u dhiganta ku dhawaad $50,000,000 million. Sida ilo xogxogaal ahi sheegen waxa dekedda ka xoo xarooda maalintii $150,000 ilaa $200,000.

hadii aaynu qaaddanno in maalintii ay Dekeda ka baxdo $175,000 sanadkii waxa ay noqonaysaa $63 million taas oo ka dhigaysa 3 sano ee DP world haysay $189 million.

$189 million waxa ay dhisaysaa deked dhererkeedu yahay 546 mitir taas oo ka badan 46 mitir intii markii hore lagu heshiiyay mitir oo ahayd 500 mitir. Waa marka lagu qiimeeyo qiimihii ay ku dhisantayy dekedda Doraleh, laakiin qiimaha ay DP world u sheegtay in ay dekeda Berbera ku dhisayso $189 million waxa ay dhisaysaa 214 mitir oo keliya.

Marka la eego qiimaha ay DP world ku dhistay Dekeda Doraleh 500 oo mitir waxa ay ku kacaysaa $173 million. DP world 3 sano oo ay maamulaysay dekeda Berbera waxa ay ka soo xaraysay ku dhawaad $189 million taas oo ka badan 8.5% lacagta dekedda 500 mitir ah ku bxaysa marka qiimaha ay dekeda Dorleh ku dhistay loo eego.

Gebagebadii iyo gunaanadkii:

Dp world waxa ay dekeda Berbera ka soo saartay 3 sano oo ay maamulaysay %108.5 lacagta ay ku dhisayso 500 mitir oo dekeda Berbera ah. Hadii lagula xisaabtamo lacagta ku ay ka soo xaraysay dekeda muddo 3 sano ah oo u dhiganta $189 million iyo lacagta ay u baahan tahay in ay ku dhisto deked cucub oo 500 oo mitir ah, deked 500 mitir ah waxa dhisaysa $173 million, sidaa daraadeed waxa ay ka heshay mudadii sadexda sano ahayd lacag ka badan $16 million lacagtii ay u baahnayd in ay ku dhisto deked cusub oo 500 oo mitir ah.

 

Akhristow bal su’aalahan jawaab u raadi:

1. Qiimaha hal ka mitir ee dekeda Doraleh DP world waxa ay ku dhistay $345714 halka ay tidhi berbera waxa aayn ku dhisayaa halkii mitir $884000, waayo?

2: Dedkada Doraleh ee jabuubti waa 1050 mitir waxa ku baxay $363 million DP World waxa ay tidhi 500 mitir oo Berbera ah waxa aan ku dhisayaa $442 million. waayo?

3: DP World iyada oo aan bilaabin dhismaha dekeda 3 sano ka dib waxa ay dekeda Berbera ka soo saartay %108.5 taas oo ka badan %8.5 lacagta ku baxaysa dhismaha 500 mitir. Marka ay dekdeda cusub oo 500 mitir ah dhsito waxa laga rabaa $16 million oo dheeraad ah in cadayso sidii ay u kharash garaysay. Dekeda oo ay ahayd in ay hadda bilowday xilli hore marka ay dhamaato DP World hal dollar kagama bixin dhismaha 500 00 mitir. Dp world ma lacagta somaliland maamulkeeda ayay kula heshiisay mise 442 million ay iyadu leedahay illayn wax maal-gelin ah kuma ay darsan dhismaha dekeda berbera weliba iyada oo yeelanaysa wixii ka soo baxa %55?

4: Sida la sheegay Hadii aanay Ethiopia ka noqon %19 keeda qorshuhu waxa weeye in ay dhisto wadada isku xidhaysa Berbera iyo Wajaale. Mar kale DP world lacagi kaga biximayso dhismaha waddada Berbera Corridor hadii laba dhiso. Somaliland oo lacagteedii lagu dhisay dekdeda iyo wadada %81 ma suuragal baa in ay yeelato %33 share ah?

 

5: Iyada oo aanay DP WORLD dekada Berbera waxba ku darsan ma xaq baa in ay masaakiinta gaajadu hayso iyo ganacsatada u baahan dollar ay debeda wax kaga soo iibsadaan ay ku qaali garayso qiimaha dollar ka iyo maceeshada oo ay sababto sicir barar, iyada oo maalin walba lacag cad oo dollar ah shandado kaga saarto diyaarado Somaliland?

 

6: Su’aalaha sare oo dhan jawaabtooda waxba ha soo qaadin. Mar hadii ay Somaliland iyo Somalia is hayaan waa in ay DP WORLD iyo cidii kale ee dhulka iyo dadka ba boobaysa la soo dhaweeyaa. Nimankii xulafada lala ahaa ee dekedii iyo madaarkii Berbera ba la isugu daray waa kuwaa maanta xoolihii Berbera ka baxay yidhi celiya, taas qudheeda waa in la soo dhaweeyaa mar hadii weli somalia la is hayo.

 

Waxaa diyaariyey Ahmed Nur Ahmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker