Qaar Kamida Saraakiisha Sare Ee Dawlada Maraykanka Oo Iska Fogeeyey Maqaal Lagu Qorey Wargeyska New York Times

Qaar kamida Saraakiisha sar sare ee maamulka Trump ayaa iska fogeeyey in ay qoreen maqaal lagu daabacay wargeyska New York Times kaasoo qofka qorey uu magaciisa qariyey.

Maqaalkaas ayaa lagu dhaliiley qaabka hogaamineed ee madaxweyne Trump oo lagu tilmaamey mid mid aan saameyn laheyn oo aan shaqeyn.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo hadlaayey isagoo ku sugan dalka India ayaa sheegey in maqaalkaasi yahay mid laga xumaado, isagoo sidoo kale xusey in qoraalkaasi yahay mid ay warbaahintu ku xaqireyso maamulka jira isagoo si weyn u qasaya xaalada.

Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa xafiiskiisa uu sheegey in qoraaalkaasi uu ahaa mid uu aad heerkiisu u hooseeyo.

Agaasimaha sirdoonka qaranka Dan Coats ayaa isna soo saarey war qoraal ah oo ayuu ku sheegey in wararka la isla dhexmaraayo ee ah in isaga ama ku xigeenkiisa uu qoraalkaas ka danbeeyo ay tahay mid been ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker