Wasiir Cumar Cabdilaahi Astaantii La Dagaalanka Covid 19 Somaliland

Wasaarada caafimaadku waa halbawlaha qaranka waxayna muwaadininta siisaa adeegyo mihiim ah sida ka hortaga xanuunada faafa , daawaynta iyo kor uqaadida wacyiga muwaadiniinta ee ka hortaga xanuunada.

Daryeelka caafimaadka Somaliland waxa bixiya xarumo dawli ah, kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwa dhaqanka. Adeega caafimaadka Somaliland waxa haysta caqabado badan, miisaaniyadda qaran ee loo heli karo goobaha caafimaadka ee dawladda oo kooban. Qayb baaxad leh oo ka mid ah dhaqaaalaha ku baxa daryeelka caafimaadka waxa ku deeqa deeqbixiyaal caalami ah iyo qaar maxalli ah, halka ay ka jireen Somaliland gudaheedana dedaalo lagu dhiirrigalinayo ka qayb galka bulshada iyada oo loo marayo hindisiyaal kharash-wadaag.

Tan iyo intii uu dunida ka bilaabmay caabuqa Covid 19 waxaa kor loo qaaday adeegyada caafimaadka ee ay bixiso wasaarada cafimaadka Somaliland.

Wasiir cumar cali cabdilaahi waxa uu dadaal dheer galiyay sidii Somaliland uyeelan lahayd qorshe cad oo lagula dagaalamayo Covid19.

Caqabadihii ku Gadaamnaa Caafimaadka Somaliland Caabuqa19 ka hor

Xarumaha caafimaadka Somaliland waxaa horyaalay caqabado badan si la mida wadamada soo koraya .  Caqabadahaa waxaa ka mid ahaa:

1: Qalabka dhaliya ogsajiinta oo aad uyaraa

2: miishiinada lagu badho Covid 19 oo aan oolin Somaliland

  1. Gawaadhida caafimaadka oo aad ugu yaraa isbitaalada waawayn
  2. Doorka bulshada ee ka qaybqadashada horumarinta cafimaadka oo aad uliitay.

Waxqabadka wasiir Cumar Cabdilahi

Wasiir cumar waxa uu dadaal dheer galiyay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaadka Somaliland si looga hor tago xanuunka Covid 19. Dadaaladii wasiirka waxaa ka mid ahaa:

1: Tayaynta iyo kor uqaadida adeegyada caafimaadka.

2: keenida miishiinada dhaliya ogsajiinta oo lagadhsiiyay goobo badan.

3: soo iibiinta iyo badinta gawaadhida gargarka dagdaga ah ee ka hawlgala isbitaalada waawayn.

4: Hindisida kharashwadaag udhaxeeya dawlada iyo ganacsatada.

  1. Keenida agabka iyo miishiinada lagu baadho xanuunka Covid19.

Wasiir omer ayaa saxada siyaasada somaaliland kusoo kordhiyay aqoon iyo furfurnaa xirafadaysan isagoo mideeyay dadaalada xukumada iyo kuwa shacabka ee lagula dagaalamayo xanuunka Covid19.

Qore:  Cabdicasis Mahamed Ahmed

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker