“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima’e
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaalle”……..
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)
Ceerigaabo, 1968
Waxa makiinadda wax lagu daabaco qarka u saaran buuggaas oo dhowaan soo bixi doona; haddii uu Eebbe idmo.
Hordhac
In badan waxa dareenkayga gudaha u xoqayey sida lisinku mindida u soofeeyo si la mid ah sidii loo daba qabatayn lahaa taariikhda ummadda oo aan mar kasta maankayga ka bixin in baylahdeedu badan tahay, halisna u tahay in wax badan oo ka mid ahi ay u tasoobaan dayac dartiis. Ummad aan taariikh sugan lahayni, waa ummad aan jiritaankeedu sugnayn. Buuggan oo haddaba ku saabsan Sooyaalkii Suugaaneed iyo Baal-taariikheedkii halyeygii waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc) waxa uu ka dhashay dareenkaas werwerku ku takhlan yahay. Taariikhda dadka ayaa sameeya. Ficilada iyo falaadyada aadmiga; maan iyo muruq ahaan; ayaana dhaqan-galka taariikheed geeddi geliya. Xaaji Aadan Af-qallooc oo kale waa ku “dhif iyo naadir” Soomaalida dhexdeeda, waxaana loogu horraysiin karaa foolaadka hal-doorkeenna taariikhda ummadda docdeeda ugu mudan ka kulaalaya
Xaaji Aadan Af-qallooc waxa uu ahaa nin aftahan ah, hiboole codkar ah, waddani Alle ka cabsi badan oo waaya arag ah, dal-mareen qurbaawi ah, meelna ku weeleeyey oo isugu keenay aqoon ka soo jeedda dhaqammo iyo ilbaxnimooyin kala geddisan. Gabayada Xaaji Aadan Axmed Xasan waxa ay noqdeen caroog iyo dawan cod dheer oo guubaabiya, kiciyana shucuurta iyo dareenka waddaniga ah ee dadka Soomaalida. Badheedhe cad oo diidmo ah ayuu kala hor tegey gumaysigii Ingiriiska ee Somaliland maamulayey. Arrintaas oo uu kala kulmay handadaad badan iyo xadhig marnaba kuma aanay keenin inuu joojiyo gayllankii iyo guubaabadii gabayadiisa ilaa laga gaadhey gobannimadii 1960. Ilaa geeridiisii (1986) waxa uu Xaajigu u taagnaa kaalinta hogatuska ee hagaagsanaanta, wax hagaajinta iyo is-hagaajinta.
Indhahaysku aragtaan cadaawaha iskaga eega
Is aamina dannigu waa waxaad ku ibtilowdeene
Is aqbala qabiilnimada waad ku ambanaysaane
Is addeeca uurxumidu waa aayatiin li’iye
Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene
Itifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaane
Abtirsiinyo reer hebela’ iyo oday ku faan tuura
Indho fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene
Xaaji Aadan Af-qallooc waxa uu had iyo goor Soomaalida ugu baaqi jirey isku duubni, is-waansi, is-daawaysi, is-kaashi, isku kalsoonaan, tabcasho iyo wax qabsasho, waxaanu uga digi jirey kala tag, tafaraaruq, qabyaalad, eex, qaraabakiil, musuqmaasuq, meel iska kuudud, iska fadhi iyo wax taransi la’aan (ma shaqaystennimo). Qiimaha iyo tayada sarraysa ee Xaaji Aadan lahaa, hal-doornimadiisa, indheer-garadnimadiisa iyo qayuurinnimada hal-muceedka ah ee hal-abuurkiisa qiirada miidhan ah waxa lagala soo dhex bixi karaa gabayadiisa badan ee xilligii gobannimo-doonka iyo xilliyadii ka dambeeyey ee dawladihii sibilka ama rayadka ahaa iyo waayadii kacaannimada, gabayadaas oo intooda badan loogu tegi doono oboc weynta buuggan ee dhowaan dhaayihiinna hor iman doona.
Saddex marxaladood oo xidhiidhsanaa oo dalka iyo dadkuba soo mareen ayay gabayada Xaaji Aadan Af-qallooc si sokeeyennimo ah u gorfaynayaan, waxanu Xaajigu ahaa hal-abuur si qotodheer ugu fiirsada oo dhug u yeesha dhacdooyinka ka ilmo roganaya halku uu ku nool yahay. Waxa uu ahaa goobjooge si wanaagsan u falanqeeya oo gabay ku faalleeya wixii maanta dhacayey ee uu arkayey, isaga oo ku lifaaqaya dhacdooyin ka horreeyey oo xidhiidh la wadaagaya tan uu maanta faaqidaaddeeda soo bandhigayo. Waxa uu awood u lahaa inuu si sahlan gabay ugu soo gudbiyo fikraddiisa ku saabsan muuqaalka kasta oo nolosha ka mid ah, isaga oo u il furnaa caalamka kale iyo waxa ka dhacayaa xidhiidhka ay dadkiisa iyo dalkiisa la leeyihiin iyo saamayntooda shar iyo khayrba. Saddexda marxaladoodba arriintaas si mug leh ayaad uga dhex dhadhaminaysaa gabayadiisa. Saddexdaas marxaladood waxa ay kala ahaayeen:
b. Sannadihii 1940-naadkii iyo wixii ka horreeyey 1960. Waa xilliyadii uu socdey halgankii gobannimo-doonka ee gumeysiga lagu kicinayey. Xaajiga gabayadiisa iyo hadafkiisuba gobannimo u dirir aan gorgortan gelin buu ahaa. Dadka waxa uu hogatusaaleyn jirey qiimaha xornimada iyo waajibaadyada aan la gefi karin in loo maro xaqiijinteeda. Tusaale:
Gobannimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo’e
Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye
Sarakaca kufrigu waa sasabo suu na leeyahaye.
Gobannimo, 1943
Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye
Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye
Mar haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey
Dantay weeye inaan aammusaa eegga dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.
Dilkii Sheekh Bashiir, 1947
Gobannimada hawl yari ninna kuma helaayo’e
Rag horuumar doonana waayaa horjooga’e
Haasaawe jiib iyo hurdo kuma timaaddo’e
Habeen nimaan u guurayn hoo lama yidhaahdo’e
Gobannimo Halkay Taal, 1958
t. Marxaladda labaadna waxa ay ahayd sagaalkii sannadood ee gobanimada ka dambeeyey (1960 – 1969). Xilligaasi waxa waddanka taladiisa u kala dambeeyey dawlado taag daran oo rayad lagu tilmaami jirey. Waxanay caan ku ahaayeen ku dhaqanka qabyaaladda iyo caadaysiga musuqmaasuqa. Xumaan badan oo madaxdii dawladdu horseed ka ahayd, ayuu Xaaji Aadan marxaladdanna dadka u soo bandhigayaa.
Murtida iyo aqoontiyo cilmigu malaha miisaane
Hadduu sida muwaashiga ciyuu muudal yahay soocan
Nin adduunyo maantaa hayaa mawlihii noqoye
Mugdi baynu soconnaa habeen meelaan nuur jirine
Sidii Binu Israa’iil mutaan marar sallownaaye
Isku murugney aakhirana waa madhax xunoo yaalle
Maxaan idinku maaweeliyaa miridhay laabtiiye.
Marwo, 1962
Kuwa fuudka laaciyo intuu faajir talinaayo
Oo camalku kii Fiishar yahay faracna dheeraaday
Oo aanan filahayn inuu furuqu baan yeesho
Jeeruu fadliga Eebbahay ferej inoo keeno
Oo shicibka reer hebel fasaqay foodhibahalleeyo
Oo ay fariiddo u kacaan fidhadan ceebawdey
Faallada wixii dhacay inaan fidiyo waa caare
Waxba yaan ku foofine arrini hay fadhido caawa.
Facaan Ahay, 1962
Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habowe
Tuug daalliniyo caasi baad tamar u yeeshaane
Tembi baad u dhiibteen nimaan tuna ka sheegayne
Toorrey af badan baw xidheen taarig xoogsadaye
Tabaalaha Wakhtiga, 1966
Akhlaaqdii xumaatoo xishood laga awaareeye
Iimaanku laabtuu jiraye aragahaw u guurye
Kun jeerood ixsaan fari ma jiro axad maqlaayaaye
Waxay dheguhu aad ugu furmaan ereyga ceebeede
Ina Cigaal, 1967
j. Marxaladda saddexaadna waxa ay ku beegmaysaa xilligii kacaannimada ee askartu ay dalka maamulayeen. Sidii dadka Soomaalida intooda ugu badani u taageereen inqilaabkii ciidamadu hormuudka ka ahaayeen, ayuu Xaaji Aadan Af-qalloocna u soo dhoweeyey is-beddelkaas.
Arday kama hadhoo macallinkuu daba ordaayaaye
Mas’uuliyaddu waa adagtahoo waa ammuur culuse
Ardal iyo nimaan qaadi karin looma aammino’e
Nin naftiisa amarkeed gabaa ma abyo khayrkeede
Aqalkeeda Leegada
Oktoobar 1969
Waxaan ahay qabiilkii akhiray Reer Afriiqiya’e
Dabkaan ololiyaa lagu gubtaa meel haddaan imiye
Iimaan la’aantiyo dhibtaan abid jeclaadaaye
Awood waxaan u leeyahay khilaaf inan abuuraaye
Isku diridda iyo baan aqaan laydinka adkaaye
Qabyaaladdii oo Hadlaysa, 1971
Muddo boqol gu’yaa dhaqankaygu nagu magoognaaye
Maantuu bilow yahay codkeennu oo laysku maamulo’e
Ka macaan maggaabada listiyo malabka Daaloode
Maskaxdii jirroon dayaxu waw madow yahay
Inyar oo qalbiga maal ku leh baa ka murugoone
Waa mahadho taariikhi ah iyo madhax la tuugaaye
Ku mintida afkii hooyo waa lagama maarmaane.
Afka Hooyo, 1972
Inkastaad haleelada adduun jaad kastaba hayso
Waa hoodo yay kaala dhicin jar iyo haadaane
Hodankii ahaa shalayto baan maanta qado hayne
Hoos labadii gelin weeye oo hawli dheer tahaye
Dhaaxay habaas kaga tagtaa nimay heshiiyeene
Nin Hawoodey, 1978
Saddexdaas marxaladood ee aynu wax ka soo xusnay gabay kastaa waxa uu muraayad u yahay oo laga dhex halacsanayaa waayihii iyo duruufihii jirey ee dalka iyo dadku ku sugnaayeen. Gabayada Af-qallooc marka aad la kulanto waxa aad dareemaysaa in ay lafta iyo dhuuxa ka nool yihiin oo ku dherersamayaan waayahan haddeerto la joogo. Waxa aad is moodsiinaysaa inuu haddeerto gabayada tirinayo, kana hadlayo nolosha maanta iyo daruufaha jira Soomaalida dhexdeeda iyo caalamkaba guud ahaan. Buuggani waxa uu haddaba si mug iyo miisaan leh isu dul taagayaa saddexdaas marxaladood iyo gabayadii ka dhashay ee Xaajiga Aadan Af-qallooc, waxaanu dhinaca kale soo bandhigayaa taariikh nololeedkii Xaajiga, barbaaritaankiisii, hanaqaadkiisii iyo inta jeer ee Alle saymo iyo sursuur oodan ka samata-bixiyey, noloshiisii qurbaha iyo inta uu badweyn iyo xuduudo u kala gooshay iyo halgankiisii gobannimo-doonka ahaa dibadda iyo markii dambe ee waddanka uu ku soo laabtayba. Waa taariikh hodan ah oo dhawr jiil iyo dhaqammo kala duwan aqoontood iyo waaya-aragnimadood minjaheedu ka soo jeedaan oo madaxa ku haysa. In ku dhow lixdan gabay, mid la soo wada helay iyo mid tuducyo laga hayaba, ayuu buuggu weelaynayaa. Waa suugaan la yaab leh oo aan ku ekayn xilligaas uu Xaajigu tirinayey duuruufihii jirey. Waxa ay la jaanqaadaysa wacaasha iyo waayaha bulsheed ee Soomaalida maanta, waana muraayad dib looga daawan karo tagtadeennii shalayto, laguna qiimayn karo joogtadeenna maanta, lagana sii hilaadin karo timaaddadeenna berrito soo foolka leh.
Wax na diley xaqoon aasno iyo iib dacaawiya’e
Wax na diley dunuub aanad gelin aanadeed bixiye
Wax na diley anaanayida iyo abiyo laan sheege……….
Mar kale:
Ammaanaa yaraatoo dadkii ways ogaal dhacaye
Nin waliba halkii lagu ogaa gurey intii tiille
Ashahaado beeniyo ribey ku istareexeene
Acmaal lama rabee hadal-tiray ku ibtiloobeene…….
Haddana:
Ilaah lagama baqo shilinka oo la arko mooyaane
Axad gaabsha lama caawiniyo kii itaal darane
Nin adduun hayaa kii kaluu alamsanaayaaye
Waa lays inkirayaa sidii maalintii Urure………
Mar kalena:
Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan uur-xumiyo ciile
Aanadu cadliga laga tegay aabbaheed tahaye
Aargoosigiisiyo dulmigu waa isu adeere
Marka xaqa la awdaa tolnimo loo abtiriyaaye……..
Ka sii daran:
Caammiye nin daadihinayuu diidayaan ahaye
Dab baan moodey gaaraabidhaan daymadii hore’e
Dambas iyo ramaad baariddaan naar ka deyayaaye
Dacar iyo unuun baan macaan ugu dudaayaaye
Doofaar ilkihii baan u filay dur iyo yaaquude………..
Yaab kale:
Bahal cadarku dilayaa jira oo digo shifaysaaye
Idinkana daliilkiyo wacdigu waydin didiyaane
Af-daleela iyo baad shubtaan Diin la iibsado’e………
Dunjigi Aadan ubadkuu dhalaad ugu dambaysaane
Wixii aad ku dacafteen qalbigu saw iskama daayo
Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya!!
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)
Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan
Back to top button