Baryaadii Burundi Iyo Beentii Shidaalka Lagu Xaraashay

Dawladda lagu Ilaaliyo Muqdisho, ee uu Mohamed Abdillahi Farmajo horboodayo, ayaa ka soo baraday, dalka isaguba iska liita ee Burundi in ay ciidamadda kala baxaan Soomaaliya. Xaaladii halkaas bay gaadhay!

Michel Micembero oo magangalyo ay siisay xukuumaddii kacaanka la odhan jiray ee Soomaaliya, markii afgambi isaga lagu sameeyay, ayaa Taleex Hotel degennaa muddo aad u dheer. Mar laga wareystay sababta uu Soomaaliya isaga soo dhiibay, ee u dal af-fransiis ku hadla u tagi waayey, wuxii yidhi, ” Dawladdan baa i bariday, oo tidhi halkaan kaalay, waxba walba waa kuu diyaar, wataa aan weli hudheelka ku jiro, jaamicadaan galay oo an isku mashquuliya” Maanta ninkaas oo muddo hore dhintay, bay Soomaaliya dalkiisa u baryo tagtay..Adduunyo.

Dhanka kale, Kiiniya halkan bay ka leedahay, dawladda lagu ilaaliyo Muqdisho, oo ay iyagu ka mid yihiin kuwa ilaaliya, waa tuuga na dhacday. Shirkii Shidaalka ee London lagu qabtay, ee sida tuugo habeen dhexdiis waxay soo xadeen meel keyn ah ku baayacayaan, ayaa dacalka la haysta dawladda taagdaran ee Muqdisho fadhida. Markii ay gurigoodii waxba ku reebin, bay jaarkii u dhaceen.

Waxaad moodaa in sida shaqsiga taladu ka yaro wareerto, ee kolba meel isku qaado, in ay Farmaajo iyo colkiis, kolba dhinac isku qaadayaan, mar waa Qaramada Midoobay, Mar waa Ingiriiska, Mar waa Cimaraadka, Mar waa Somaliland, Mar waa maamul goboleedka, immikana Kiiniya iyo Burundi. Jaha-wareer, jalam qalam, qalam jalam.

Xaaji Kariye

Ahmed Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker