Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Lubnaan Oo is- casilay Iyo Sababta?

Wasiirka arrimaha dibedda ee Lubnaan, Sharbal Wahba, ayaa iska casilay xilkiisa kadib cadaadis xooggan oo ka dhashay waraysi uu ku weerarray dalalka Khaliijka.

Sharbal Wahba oo ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta Lubnaan ayaa waraysiga uu Isniintii siiyay telefishinka Al-Xurra waxa uu ku tilmaamay in dalalka Khaliijka ay gacan ka geysteen hanaqaadkii ururka Daacish.

Sacuudi Carabiya, Kuweyd, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhammaan u yeeray safiiradda Lubnaan u fadhiya caasimadahooda, waxaana ay u muujiyeen cabashadooda ku aaddan hadalka wasiirka.

“Dalalka aan jaceylka, saaxiibtinnimada iyo walaaltinnimada wadaagno ayaa keenay Daacish. Waxa ay noogu beereen banka Ninawa, Anbar iyo Palmyra,” ayuu yidhi wasiirku.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker