Maansada Murti-Maal

Maansada Murti-maal oo soo baxday 18.2.2019. Waxay diiradda fogaan aragga ku daah-qaadaysa waydiimaha taagan iyo webintii tagtada dharaarihii inna dhaafay. Sheegmada iyo warinta maansada ayaa tebinaysa taariikh, hordhac, waano, heshiis, midnimo, wada shaqeyn iyo is ahaansho qarannimo. Hadaba, saaxiibbayaal ila dhugta qaybo ka mid ah Maansada Murti-maal. Waana sidatan:
▪Midh Abwaan Ku Tashaa,
▪Haddii Uunku Dhageysto,
▪Adduunkoo dhan hagtee,
▪Rashiidow Alif Maanso,
▪Hal-abuur Isir Weeye,
▪Ku Aroora Hideysi,
▪Anna Heedhe Dhankayga,
▪Dhaxalkii Labo Awga,
▪Aslantii Murti-maalka,
▪Agabkii Hiddaheenna,
▪ Aflow, Cabdi Warfaa Iyo,
▪Amma Hadalwanaajiyo,
▪Aw Xaadhiyo, Baadcade,
▪Ina Mire, Qamaan Bulxan,
▪Gaariye, Afgudhiyiyo,
▪Axmed Iyo Hadraawiyo,
▪Sayidka Iyo Af-Qalooc,
▪Inta Curisa Suugaan,
▪Xeer-beegti Idilkeed,
▪Geeraar Ku ibbo-furay…
▪Afar kalena Saaxiib,
▪Asaarka Dhaqanka Iyo,
▪Allaylehe Samaantiyo,
▪Is Abaabul Mideynta,
▪Iska Naarka Ibleyska,
▪ Ixtiraamka Xil qaadka,
▪ Is Ahaansho Xaq-dhawrta,
▪ Dib Amqaalka Dareenka,
▪ Abti Dawlad Adkeynta,
▪ Adigoon ku fogaanin,
▪Alkumaadda u fiirso,
▪Eraygayga ka dheeho,
▪Fasiraadda Ararta,
▪Afeeftiyo hummaaga,
▪Asalkiyo wanaagga..
▪ Askum kii Cabbanaanta,
▪ Ku Ujuuro shaqeysta,
▪ Arag Kii Habqankiisa
▪ Axaddiyo Isniinta,
▪ Sabtida Iyo Allaylka,
▪ Tirsiga Iyo Aloolka,
▪  Ku Aroorka habeenka,
▪ Ku Afmeeray dharaarta..
▪ Akram kooxda maqiiqan,
▪ Iyo Aadyar Dhaqaaqa,
▪ Asbax kii Ummadeyda,
▪ Adhaxdeeda Ka dayrshay,
▪ Abshir kii dabshigaaga,
▪ Is Aqool Kala geynta,
▪ Iyo Awliyo diidka,
▪ Ama Awga collaadda,
▪ Ka Arkaaya dantiisa..
▪ Abyan Iyo Warmoogow,
▪ Labo Eef Afmiishaar
▪ Iyo Uufaneys Madhan,
▪ Alwadkiisa Jaan Iyo,
▪ Guntintiyo Urugadda,
▪ Gurgurshaa Aqoonliyo,
▪ Odayadu Ma Dheegtaan….
▪Kol kalena Arbow Maqal,
▪ Kobta Aragti Maalkiyo,
▪ Agihii Hal-beeg Qaran,
▪ Hawl Lagu Asteeyaa,
▪ La arkaa Is Diidmada,
▪ Oo Fulinno Hawleed,
▪ Iyo Talo Gorfeynteed,
▪ Amma Nooca Loo Qaban,
▪ Muran Iyo Is maan-dhaaf,
▪ Lagu Oogsadaa Goor,
▪ Aniga Iyo aniga iyo,
▪ Awood Jiidashadu Iman..
▪ Kol allooska hadeer,
▪ Isa Seegga Silloon,
▪Waa La Awday Halkii,
▪ Halkii Aaxdu Ku Tiil,
▪Abhin baa Ka Danbeysoo,
▪Ologgii la Yiqiiniyo,
▪ La Adkee Dantii Qaran….
Curiye: Jamal A. Muse,
Agaasimaha Guud ee W. H. Biyaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker