Nicholas Heysom Wakiilka Ergayga Qaramada Midoobay Uqaabilsan Soomaaliya Oo Ka Digay Seddex Arimood Inay Ka Dhacdo Doorashada Koofur Galbeed.

Muqdisho-(OWN)-Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa war qoraal ah kasoo saaray doorashada 15 maalmood kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Qoraalka ayuu ku sheegay in doorashadaasi ay ka filayaan inay u dhacdo si xor ah oo xalaal ah, islamarkaana aanay ku jirin faragelin siyaasadeed oo lagu sameeyo doorashada Koofur Galbeed.

Wuxuu Qoraalka ku sheegay in loo baahan yahay in dhamaan musharixiinta ay helaan fursad loo siman yahay oo ay doorashada kaga qeyb gali karaan, islamarkaana aan lala kala safan musharixiinta qaar.

Seddex arimood ayuu sheegay in loo baahan yahay inaysan ka dhicin doorashada Koofur Galbeed ka dhaceyso 17 Bishan, kuwaasi oo kala ah:-

Xad Gudub Dhaqaale: Wuxuu ka digay in doorashada Koofur Galbeed lagu sameeyo xad gudub dhaqaale, islamarkaana musharixiinta qaar lagu taageero dhaqaale ay ku heli karaan codadka xildhibaanada.

Arintaan waxaa horey walaac uga muujiyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tagay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad dhaqaale badan lagu bixinayo si ay halkaasi kaga soo baxaan.

Cadaadis: Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in cadaadis la saaro musharixiinta tartameysa si aysan u helin codadka xildhibaanada, waxaana taasi hore uga digay musharixiinta qaar.

Rabshado: Ugu dambeyn Nicholas Haysom ayaa ka digay in doorashada Koofur Galbeed ay ka dhacaan rabshado horseedi kara natiijo xumo, waxaana walaacaasi uu xoogeystay waxii ka dambeeyay markii Shariif Xasan uu ciidamo badan geeyay madaxtooyada uuna badalay ciidamadii hore.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, laakiin musharax walbaa wuxuu wataa ciidamo ay isku beel yihiinO oo u gaar ah, taasi oo horseedi karta in rabshado ay dhacaan.

Waxaa magaalada Baydhabo ka socdo diyaar garowgii u dambeeyay oo ay sameynayan musharixiinta Koofur Galbeed.

Image result for Nicholas Haysom

Nicholas Heysom Ergayga QM U Qaabilsan Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker