Gudoomiyaha Komishanka Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa JSL Oo Booqasho ku Tagay taliska ciidanka Dab-demiska

Gudoomiyaha Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa maanta booqasho ku yimi taliska ciidanka Dab-demiska Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Xoghayaha guud ee ciidanka Dab-demiska ayaa halkaas ku soo dhaweeyay kuna qaabilay gudoomiyaha xafiiska Taliyaha, waxaana warbixin masuuliyiintu ka siiyeen marxaladihii uu soo maray ciidanku iyo waxqabadka maanta uu ku tallaabsaday.

Dhankiisa Gudoomiye Dayib ayaa ka marag kacay waxqabadka muuqda ee ciidanku qabtay, waxaanuu bogaadiyay shaqada quruxda badan ee ciidanku u hayo bulshada, iyadoo gudoomiyuhu sheegay in halkaa laga sii wado dadaalka.

 

Xafiiska Warbaahinta CDQ

990 Gurmadka Degdega ah

Emergency Call

Somalilandfire@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker