Waa in dowladu ku dhawaaqdaa xabad joojin hal dhinac ah” Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah.

Qoraal uu guddoomiye Waraabe ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayuu xukuumada kaga dalbaday in ay dhankeeda xabad joojin ku dhawaaqdo, ayna samayso dadaalkasta oo lagu xaqiijinayo nabada.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah. Dawladdu waa inay fududaysaa gargaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda” ayuu yidhi Waraabe.

Waddamada beesha caalamka oo uu Maraykanku ugu horeeyo, hay’addaha xuquuda aadanaha iyo qaar kamid ah madaxda Soomaalida ayaa ku baqay in colaada la joojiyo arrimahana wada hadal lagu dhameeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker