Dagaalyahanno ka Tirsan kooxda Daacisho oo soo Buux dhaafiyey duleedka Qandala

– Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay soo buux dhaafiyeen dhulka buuraleyda Puntland, gaar ahaa tuulooyin hoos yimaada magaalada Qandala ee gobolka Bari.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in kooxdu dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilowday halkaasi, iyadoona xaaladda deegaanadaasi ay tahay mid kacsan.

Sidoo kale ilo deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalyahannada kooxda Daacish ay ka soo degteen dhanka dhulka buuraleyda ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhaq dhaqaaqyada Daacish ay ka bilowday degmadaasi oo ay haatan ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

 

 

 

 

Qandala ayaa waxaa kooxdaan laga saaray 7-dii December ee sanadkii 2016-kii, kadib markii ay weerareen ciidamada sida gaarka ah u tababar ee maamulkaasi.

Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo saraakiisha amniga gobolka Bari ay ka soo saareen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda deegaano ka mid ah gobolkaasi.

 

 

 

 

Xaaladda ayaa hadda ah mid si aad ah u kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Inta badan Daacish ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker