GOBLAN TALO ADUUNYOOW, MAXAAD GELINBA WAA-JOOGTAY, qormadda 4 aad ,

Hooga iyo halaagu ma ahayn  hoobashadda shacabka oo qudha, ee waxay ahayd xikmadda dagaalka jabhaduhu wadeen iyo wax iska caabinta Keligii taliyaha  ka danbaysay oo aan maslaxad bulsho iyo mid qaran toona salka ku haynin, balse, ku qotontay  dhinacyo  awooda kursiga kala riixashadiisa fooda isku daray midkastaaba Shaahdkuu doono ha u geliyee, iyo weliba cidhibta aan wanaagsanayn ee kusoo fool lahayd jiritaankii qaranka Soomaaliyeed, marka la eego cidhib la’aanta natiijadda dhinacyada awooda isku haystay iyo ahdaaftooda.

Jabhadii SNM, oo ahayd jabhadii labaad ee geyiga Soomalidu degto ka kacda, ayaa iyaduna Sengaha Colaadda kooraystay, iyagoo martay dariiq aan waxba ka gedisnayn kii SSDF ee urursiga ciidanka beelaysan ku salaysnaa, salkana dhigtay Gudaha Ethopia, ciidamo qabiileedna kazoo urursatay deegaamadda qabaailka Isaaqu dego oo taageeradooda ku bees garaysnayd, Maleeshiyo-qabiileedkaas lasoo ururiyay  oo u badnaa wiilal ku jiray da’da labaatanaadka, oo markaas uun macaanka mustaqbalka noloshu usoo kaahayay. Jabhaddani waxaanay taageero isugu jirta saldhigyo ciidan, saanad, sahay, qalab  milateri iyo tababaro ciidan ba ka heleen xukuumaddii Korneyl Mingiste, halkaasoo ay weeraro ciidan kaga soo qaadi jireen ciidamadii Taabacsanaa General Barre, taas cakiskeeda, waxaa keligii taliye Barre kaga jawaabay inuu cagta mariyo dad iyo duunyo wixii u arkayay inay taageeraan jabhaddii SNM ee kazoo jeeday qabaailka Isaaqa, waxaana colaaddii ugu darayd ka dhex onkoday gudaha magaalooyinkii waaweynaa ee Goboladda  Waqooyi ku yiilay sida Hargeysa, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo kadib markii Ciidamadii SNM weeraro miidaamo ahaa kusoo galeen magaalooyinkaas sanadkii 1988kii, halkaasoo  shacab lagu qiyaasay 50,000-70,000 ay  ku hoobteen, diyaaradihii dagaalka ee qarankii Soomaaliyeed laha ayaa ka mid ahaa awoodii loo isticmaalay in lagu baabi’iyo shacabkii halkaas degenaa.iyo hantidoodiiba.

Dhab ahaantii,  Dagaalkii Waqooyiga ka dhacay wuu ka khasaare badnaa naf ahaan iyo maal ahaanba kii ka dhacay Goboladda dhexe ee qabaailka Majeerteenka lagu bartilmaameedsaday sababahan awgood:

  1. Jabhaddii SSDF dagaalkeeda kuma bartilmaameedsan magaalooyinkii waaweynaa ee deegaaanadaas ku yaalay ee shacabka badani ku noolaa,  sida Garoowe, Gaalkacayo, iyo Boosaaso sababtay doontaba ha noqotee,  halka SNM ay abaartay magaalooyinkii waaweynaa ee shacabka badani ku noolaa siday doonto dan ha u moodee, waxaanay ahayd khalad istraatijik ah oo aan laga fekerin khasaaraha gaadhayay shacabka  ee dumar, caruur, iyo waayeelba lahaa, waxaanse filayaa inay sidan u yeeleen laba arimood: 1.inay fashiliyaan Heshiiskii dhexmaray  Minigiste iyo Siyaad Barre ee dhigayay in mid waliba mucaaridka uu saldhiga siiyay iska soo saaro, kaasoo ku wajahnaa Jabahdihii ay SNM ka mid ahayd 2. Inay indhaha caalamka kusoo jeediyaan halgankooda iyo waxa ka dhacaya Soomaaliya taasoo ay u arkayeen inay fursad dahabi ah oo siyaasi ah u tahay halgankooda.
  2. Ciidamadii taabacsanaa General Barre oo dagaalkooda u muuqday wisiisi, aanay ugu kala aabe-yeelin rayid iyo jabhad midna, ee xaalkoodu noqday kusii daa waxa aad hub haysaba,run ahaantiina, xaaladdu waxay ku xumayd dawlad ahaan marka la eego sidii xaaladu ahayd, waayo, waxaa gunta loo soo galay halkii ay xuduntu u taalay ee ay ka maamulayeen Goboladda waqooyi oo dhan, khaas ahaan, magaalooyinkii ugu muhiimsanaa dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba, dhinacaas marka laga eegana, labo arimood ayaa la gudboonaa General Barre inuu mid uun yeelo, 1. Inuu  ciidamadiisa magaalooyinkaas kala baxo, oo sidaas SNM kuwada mulkido, isaguna uu lumiyo sharciyaddii dawladnimo ee uu halkaas ku joogay, ee uu dalka ku xukumayay, taasoo ah wax inta badan mustaxiil ah  inay dawladuhu  u yeelaan ciidanka kazoo horjeeda 2 inuu kula dhex dagaalamo magaalooyinkaas jabhaddii weerarka ahayd, si u difaacdo sharciyadda awoodiisa dawladnimo, balse ka fekero isticmaalaida awoodo xadidan oo aad loo maareeyay, laguna yarayn karo khasaaraha shacabka soo gaadhaya intii suurtagal ah, waayo, shacabku waa kii uu ku ahaa dawladda. Laakiin, Nasiib darro, taas muu yeelin ee wuxuu ku kucay falal Axmaqnimo iyo qayrul masuulnimo badani ka muuqatay. Dhinaca kale, SNM lafteeda ayaa qayb ka ahayd masuuliyadda khasaaraha Shacabka gaadhay, maadaama ay ogayd in shacabka halkaas degani uu ku dhex hooban doono dagaalka labadooda dhinac dhexmari doona, balse ay indhaha ka qarsatay xaqiiqadaas jirtay sababo la xidhiidhay masaaliixo siyaasadeed iyo tu ciidan oo ay filayeen inay dagaalkaasi u keeni doono jabhad ahaan darted.

La soco Qormadda 5 aad iyo halka waayuhu saldhigo

Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-laki)

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker