Bisha Soon Qaad Durtadiiba Waa jimcihii 2aad Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash.

Dhawaan uunbay ahayd markay billatay bishii ugu fadilnayd billaha,bishan oo ka gooniya ayaamaha iyo cishooyinka tan oo lagu magaacabo soon qaad.
bishan oo ah bill la xidhxidho shadaadiinta isla markaasina lagu ogaado seetooyin rabbaaniya taas oo ay u saamaxayn firxad iyo baxsad toona.
bishan oo ah bill sadaqo cibbaado iyo akhrinta qur’aanka tugashada taraawiixda iyo marka ay gaadho oogista tahajudka ama salaatul laylka ,taas oo laga dhex raadraadsho habbeen ka khayr roon kun billood.
bishan ayaa dadka muslimiinta badankoodu ka faa’iaystaan kuwaas oo buux dhaafiya masaajidada iyo goobaha cibbaadada.
in badan waxa ay ruclo ugu jiraan quudinta masaakiinta iyo danyarta,in badan oo dadka ka midii waxa ay ku dadaalaan affurinta dadka sooman,taas oo ay  ka dheragsanyihiin axaadiista kusoo aroortay ee sheegaysa ajarka iyo sawaabka laga dhexli karro sama falka bulshada.
bishan ayaa labbi iyo tobbankii billood mar ay kaga jirtaa taas oo qofkii ka faa’idaystaa ay u tahay fursad qiimo badan oo waxaan loo dhigaaba jirrin.
sabankii asxaabtiyo kuwii noolaa waagaasi waxa ay eebbe ka tuugayeen sidii uu u gaadhsin lahaa ramadaanta iyagoo aad uga faa’idaysan jiray bishan barakaysan.
hadddaba alla ha inaga dhigo kuwii mar walba ka faa’idaysta muslimiinta badankooda waa u ducaynaynaa kuna leenahay allow wixii dhibaataysan dhibta ka saar,wadankeenan allow u siyaadi nabada
Hamse rRiiraash

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker