Maanso: Dhulka waa la wada leeyay

Maanso . dhulka waynu wada leenay

Iyo  . MOHOLIN

WAA ILAA TAARIIKHDAA  ILAA IMMIKA

AANAY KA SII DAR MOOYEE IS BEDDEL JIRIN

.

Dhulka  waynu  wada  leena  hoo

Waynaga  dheryahay

Taladiisu  way  noo  dhex  iyo

Dhawris  tiisuba,e

Dharaarahan  waxbaa  iga  qaldamay

Aan  la  dhaygagaye

Idinkuna  haddaa  dheehataan

Taan  udhaadhca  yo

Dhab bay  noqon  inaad  ii  furtaan

Taan  dhaliil  sanaye

Dhiso  guri  haddii  aad  tidhaa

Dhibina  kuu  hayso

Dhakhso  inuu  kuugu  kaco

Yaad  ku  dholo  shaaye

Marka  dhagax  la  saaraba  Hadduu

macalin  kii  dhoofo

ood  dhabar  mid  soo  taaba  tuu

dhoobo  yara  qoosho

sabab  aad  dhigtiyo  uu  ku  tago

tala  xumaan  dhoohan

beritana  sidii  ay  dhac  doo

laga  dhammaan  waa  yo

adigiyo  in  tii  kuu  dhowiba

taa  iskuba  dhaamin

in  dhex  diisa  ay  jiif  sadaan

dhool  cad  may  helin

Dhaka  faar  la  qaadiyo  cadhaa

Ay  u  dhawda  haye

Waxa  taa  ka  dhigan beelahaa

Dhaanka  raag  sada  ye

Mar  haddaan  rarkaba  laga  dhigayn

Dhama, u  tag  naaye

Masuul  kii  xil  loo  dhiiba  yee

Dhabar  ka  loo  saaray

Ee  dhaar  kitaab  kii  (ILAAH )

Dhiibay  gacan  tiisa

Dhursugaal  haddaan  loogu  deyin

Oo  xortii  dhiman  tay

Marka  uu  dhaqaajee  wax  badan

Dhumuc  da  wey  neeyo

Dhaka  kale  hadday  soo  gashoo

Dheega  laga  tuuro

Digrii  tadan  yar  dheeray  naysaa

Wada  dhir  baa  xayso

Ma  dho dho  wa  dhadhaar  toosanoo

Ay  ku  dhereg  taa  ye

Waa  labaatan  iyo  dhawr  sano  intay

Dhaqan  tay  maan  deeqe

Sidii  loo  dhacay  weli  utahay

Dhaqa  yadee  daasi

Oday  dhacaya  wiil  kii  dhshiyo

Kurayga  dheeraa  day

Agoon  tii  dad  koo  dii  dhin tiyo

Naafo  dhinac  taalla

Ma  dhadhaminin  kii  xaq  ulahaa

Dhiiq  yaroo  timiye

Faqash  tii  isguul  kay  dhigtaa

Aad  ku  dhaqan  taane

Hebel  hebel  kan  dhaaf  siisabaa

Loo  dhug  tama  yaaye

Shaqaalahan  dheguu  taagan  yiin

Waa  dhibaa  tada  .e

Dhabbadaa  in  taa  saran  tiin

Dhereg  ma  gaadhaane

Abwaan    Moholin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker