WASIIRKA AMNIGA, MISE WASIIRKA AMNI-DARRADA: ISDIIDOOYIN ISKU DABRAN. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji).

“Ninkii nabadda loo diray
Hadduu isagu Deyroow
Dubbe uu la beegsado
Ama uu ka doordibo
Inuu doollar biirsado
Xaggee loo dirganayaa
Waa duni bogga u raran” (Xaaji) 26/07/19
Wasiirka Amniga Qaranku waa masuulka ugu sarreeya ee xukuumaddu u xilsaaratay inuu ummadda ka haqabtiro baahida amniga ee dalka ka jirta naf iyo maalba. Waxaan qabaa baahida ugu weyn ee dadka Soomaaliyeed qabaan gaar ahaan badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya inay tahay amni darro iyo cabsi joogto ah, iyo qaraxyo isdaba socda, Xamar haba ugu badnaatee.
Waxyaalaha aasaaska u ah in amni lahelo waxaa ka mid ah:-
B) inay jirto siyaasad qoto dheer oo amni iyo hay’ado tayo leh oo loo diyaariyey inay ka hawlagalaan siday u fulin lahaayeen siyaasaddaas.
T) Inay jirtaa wadashaqayn iyo iskuxidhnaan hay’adahaas heerarkooda kala duwan iyadoo haddana adeegga ay fulinayaan iyo masuuliyaddu ay u kala soocan tahay.
J) In sharcigu hago oo sugo shaqooyinka jaranjarooyinkaa hay’adaha kala sarreeya ee shaqadu u kala astaysan tahay.
X) iyo shaqaalaha ka hawlgelayaa amnigu inay leeyihiin aqoon iyo xirfad amni iyo mid sharci intaba.
Haddii intaa la helo waxa dhici karaysa in xal loo helo ama aad loo yareeyo khataraha amni darro ee dadkeennii iyo hantideeniiba galaaftay ee dhiigbaxa joogtada ah inagu haya. Waxa kaloo dhacaysa in ciddii masuuliaddeeda ka soo bixi weyda la arkayo maaddaama hawlaha loo kala asteeyey hay’adaha heerarkooda kala duwan.
Intaa haddaan ka gudbo sida aan maqlay Wasiirka Amniga Federaalku waa nin ganacsade ah oo ka ganacsada isla amniga masuulka looga dhigay! Wasiirku wuxuu leeyahay shirkad nabad ilaalineed oo bixisa “adeegga amniga”. Waa shirkad macaash raadis ah oo ka macaashta xaaladda amni-darro ee Xamar ka jirta. Ganacsiga sida aad la socotaan waxa aad iibinaysid waxyaalaha ay ku xidhan yihiin waxa ugu weyn:-
1) Inay jirto baahi loo qabo adeegaas aad bixinayso.
2) Waxa kaloo waxyaalaha ganacsiga muhiimka u ah ka mid ah kalsoonida lagu qabo adeegga aad bixinayso, ama kalsooni darrada laga qaado ciddii kale ee kugula tartamaysey bixinta adeegaas.
Bal aan labadan qodob midba mar ku cabirro wasiirka iyo labadiisa door ee is diiddan haddana isku dabran.
ISDIIDOOYIN ISKU DABRAN:-
Tan koowaad: Wasiirku shirkaddiisu waa shirkad macaash raadis ah, wuxuu u samaystay inuu ka faa’iidaysto baahida amni ee jirta Soomaaliya. Adeegga uu bixinayaa waxay la kordhaysaa marka baahida amnigu korodhoba. Tani waxay sababaysaa si macaashkiisu uu u kordho ama u kobco waa in amni darro jirtaa amaba la abuuraa. Tani la yaab yaanay kugu noqon ganacsade kasta oo macaash doon ihi wuxuu ku fekeraa siduu suuqiisa u ballaadhin lahaa si uu macaash badan u helo.
Tan labaad: Ganacsaduhu had iyo goor wuxuu ku jiraa tartan. Hadaba wasiirka ganacsadaha ahi si uu kor ugu qaado sumacadda shirakadiisa waa inuu wiiqaa wixii tartan kula geli kara adeegaas. Tani waxay sababaysaa halkii uu wasiirku ka tayayn lahaa hay’adaha amniga qaranka si u fuliyaan adeeggii amni, inuu taa beddelkeeda wiiqo hay’adaha amniga qaranka isla markaana uu tayeeyo shirkaddiisa macaash doonka ah. Arrintani aad bay u sahlan tahay waddan Soomaliya oo kale ah oo aan shrciga iyo isla xisaabtanku adkayn amaba ka dhaqan gelin. Marka hay’adaha amniga qaranku tamar darreeyaan waxa lumaysa kalsoonida dadku ku qabaan hay’adahaas qaranka, taa beddelkeeda tayaynta shirkadda ganacasiga ee wasiirku waxay kor u qaadaysaa in dadku ay shirkaddaas adeegoodii amni ka raadsadaan.
Haddaan xal loo helin isdiidooyinkan isku dabran ama aan dhug loo yeelan dhibaatooyinka ka imaan kara waxa dhacaysa in waddanku u ekaado inuu gacanta ugu jiro wax la mid shirkado dhiigga dadka iyo burburka dalka ka macaasha. Arrimaha nocan oo kale ahna waxa sal u ah aragtidayda saddex arrimood a) siyaasad la’aan ama siyaasad xumo b) hoggaan xumo c) iyo sharciga oon lagu dhaqmin wax qiimo ahna aan lahayn.
Gunaanadkii: Wasiirkani waa tusaale ka mid ah isdiidooyinka isku dabran ee Xamar daashaday, gaarse kuma aha isaga isdiidooyinkaas isku dabrani, waxa ku weheliya wasiiro badan oo ka macaasha amni-darrada iyo dawlad-xumida ka jirta Xamar. Waxa kaloo jira ganacsadayaal waaweyn sida kuwa Xawaaladaha, shirkadaha isgaadhsiinta, kuwa dawooyinka iyo cuntada ka macaasha, kuwa qandaraasyada waaweyn qaata ee ka macaasha adeegyadii dawladdu bixin jirtey.
By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker