Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Maxaabiis Soomaaliya oo Ka Baxsaday Xabsiyada Wadanka Libiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaallada ka soconaya magaalada Tripoli ee dalka Liibiya iyo saameynta dagaalladaas ay ku yeeshen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Saciid Faqi ayaa Qoraal kooban uu soo dhigay Baraha Bulshada wuxuu ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Waalidiinta caruurtooda ku xidhan yihiin Xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya in dagaalka ka socdo magalada Tripoli ee caasimadda dalkaasi uu sababay in Albaabada loo furay qaar ka mid ah Xabsiyada ay ku jireen Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradii ku jirtay Xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen iyadoo qaarkood ay soo gaadheen Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibiya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro, iyadoo hal goob la iskugu keenayo dhamaan Dhalinyarada si anay waxyeelo uga  soo gaadhin dagaalka ka socda Tripoli sida uu sheegay Cali Saciid Faqi.

Sidoo kale Safiirka ayaa xaqiijiyay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiga Ain Zara ay wali meeshooda ay ku sugan yihiin oo anay ka bixin.

Dhinac-yada ku dagaalamaya magaalada Tripoli, ayaa ku tartamaya la wareegida maamulka magaalada, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ku dhawaad shan ruux 10 kalana ay ku dhaawacmeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker