Dawlada Talyaaniga Oo Diiday Inay Qaabisho Dooni Sida Tahriibayaal Afrikaana

Dowlada Italy ayaa diiday in dekaddaheeda ay ku soo xirato dooni sida boqolaal qaxooti ah oo laga soo badbaadiyey badda dalka Liibiya.

Hay’ada gurmadka ee loo yaqaan SOS Mediterranee ayaa sheegtay in doonidan ay saaran yihiin qaxooti gaaraya 623 qof oo laga soo badbaadiyey badda dalka Liibiya.

Qaxootigan ayey ku jiraan caruur iyo waliba haween xaamilo ah.

Qaxootigan ayaa in badan oo kamid ah waxaa soo badbaadiyey ciidamada badda ee Italy kadibna ku wareejiyey hay’ada SOS si loo geeyo dalka Talyaaniga.

Balse Axadii shalay ayuu Wasiirka cusub arrimaha Gudaha ee Talyaaniga, Matteo Salvini oo kamid ah xisbiga cunsuriga ah ee [Lega] sheegay in dalkiisa uusan qaabili doonin qaxootigan.

Mr.Salvini ayaa ka codsaday Jasiirada Malta inay iyadu qaabisho qaxootigan, balse dowlada Malta ayaa sheegtay in hawshan aysan shuqul ku lahayn.

Arrintan ayaa keenaysa in aan illaa iyo hada lahayn goob lagu dajiyo qaxootiga.

Xukuumada cusub ee Talyaaniga ayaa ka kooban xisbiyada xagjirka ah ee garabka Midig oo kasoo horjeeda qaabilaada qaxootiga ka imaanaya dalalka Afrika.

Matteo Salvini oo sidoo kale ah Raysalwasaare kuxigeenka cusub ayaa horey u sheegay intuu ololaha doorashada ku jiray inuu dalkaasi ka tarxiili doono boqolaal kun oo qaxooti ah oo uu sheegay inuu dib ugu celin doono Afrika.

Shantii sano ee lasoo dhaafay ayey wadankaasi Talyaaniga gaareen in ka badan 600 – kun oo qof oo u badan qaxooti ka yimid dalalka Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker