Dagaal Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Dowlad Deegaan Soomaalida Itoobiya

Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan ayaa Maanta ka socda deegaan ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Dagaalkaan oo ah mid la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa salka ku haaya arrimo la xidhiidha aano qabiil, wuxuuna sigaar uga socdaa inta u dhexeeysa Deegaanada Dhurwaayaale iyo Dhagaxbuur ee dowlad deegaan Soomaalida.

 

Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka dhex-maraya maleeshiyaadka hubeysan, in kastoo ayna jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta, maadaama hub Culus la isku adeegsano.

Maalin ka hor ayay aheyd markii rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay weerar ku qaadeen dad ay ku jireen odayaal da’ ah oo ku sugnaa deegaanka Dhagaxbuur oo hoostaga Gobolka qoraxeey, waxaana halkaas ku geeriyooday saddex qof.

Muddooyinkii ugu dambeeyay deegaano dhowr ah oo dhaca koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanayay dagaal beeleedyo iyo dilal la xidhiidha aano qabiil, kuwaasi intooba badan ka bilaamay dilal ku saleysan arrimo qabiil.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker