Arabkii Baa Biriishka Soo Dhaafay !!!!!!!.

Wakhtigii Ururkii Xaqsoor Hadhay 2012, Habeenkii Lagu Dhawaaqay Beesha Arab Waxay Mudaharaad Aad U Balaadhan Ka Dhigeen Degmadda Axmad Dhagax Waxay Xoog Ku Galeen Saldhigii Iftin Oo Maxaabiistii Ku Jirtay Ay Ka Sii Daayeen, Waxay Socod Dheer Ku Soo Mareen Laamiga Ka Gudba Biriishka Qadiimiga Ah Dhinaca Suuqa, Waxaa Ka Hor Tagay Ciidamadda RRU-da Iyo SPU-da Oo Isku Gudbay Biriishka Una Diiday,

Waxay Rasaas Ooda Kaga Qaadeen Dhalinyaraddii Faraha Badnayd Ee Doonaysay Inay U Soo Gudbaan Saldhigyada Dhexe Ee Ku Yaala Galbeedka Iyo Bariga Hargaysa, Aniga Iyo Nin Aanu Saaxiib Nahay Oo Bacdal Salaadii Cishe Marayna Inta U Dhaxaysa Telesom Iyo Macmacaanlaha Naseema 3 Oo Aanu U Sii Socono Xaafadda Idaacadda Waxaa Naga Daba Yimi Dad Fara Badan Oo Ragg Iyo Dumar Iskugu Jira Oo Dhoow Kun Kor U Dhaafaya Oo Fara Badnaantooda Qofba Qofka Kale Garbinayo, Oo Aad Moodid In Tikniko Lagu Eryanayo, Dadka Qaar Ayaa Kacaa Kufaya, Gawaadhidii Wadooyinka Marayey, Basaskii Istaamada Xero Awr Iyo Idaacadda Waxaa Ka Dhacay In Nin Walba Gaadhigiisa La Baxsado Markii La Yidhi Arabkii Ayaa Biriishka Soo Dhaafay, Qaar Xiiqsan Oo Neef Tuuraya Ayaan Ku Idhi Waar Maxaad Ka Cararaysaan?!, Waxay Noogu Jawaabeen Arabkii Ayaa Biriishka Soo Dhaafay!!!!!!, Waxaanu Ku Nidhi Waar Arabku Ma Nukriyeel Bay Sitaan?!, Waxay Noogu Jawaabeen Mayee Waxay Sitaan Hub Bilaa Sanqadh Ah?!, Waxaanu Ku Nidhi Hubkaas Casriga Ah Ee Bilaa Sanqadha Ahi Muxuu Ahaa Ma Dawlado Ayaa Ku Caawiyey???!!!, Waxay Noogu Jawaabeen Mayee Waxay Sitaan Bangado, Faashash, Mindiyo, Tooreeyo, Budhadh Iyo Looxaan Masaabiir Leh!!!!!!!!!!!.

Waxaan Uga Socdaa Xaqsoor Oo Urur Hadhay Ahaa Ayaa Kacdoonkaas Hargaysa Gilgilay Loo Samaynayee, Xaalka Hargaysa Sidee Buu Noqonayaa Markaynu Noqono Maamul Goboleed Hoos Yimaada Ismaaciil Cumar Geele ?????????!!!!!!!!!, Oo Aynu U Gacan Gelino Ganacsade Ah Muwaadin Ka Soo Jeeda Asal Ahaan Somaliland Waa Mudane Axmad Cusmaan Geele!!!!!!!!!.

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood
Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker