Musharaxii 2aad Ee Jagadda Maayarnimadda Burco Ku Tartamayey Oo Shaaciyey Inuu Tanaasulay

Mundane Khaalid Xasan Diiriye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Ee Degmadda Burco ee Isla-markaana Hore u Shaaciyey Inuu kula Tartamayo Jagadda Maayarnimadda Ee Degmadda Burco Musharax Isbahaysiga Aqlabiyadda Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID Md Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hero), Ayaa Mar Dhowayd Magaaladda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer Kaga Dhawaaqay Inuu u Tanaasulay Cabdirisaaq Hero.
Mudane Khaalid oo Kasoo Baxay Xisbiga Xaakimka KULMIYE, Ayaa la filayey Inuu Maalinta Bariya Kula Tartamo Musharax Aqlabiyadda Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID ay u asteeyeen Inuu Noqdo Maayarka Degmadda Burco.
Tanaasulkan uu Hadda Magaaladda Burco Kaga Dhawaaqay Khaalid Xasan Diiriye, ayaa noqonaysa Musharaxii Labaad Ee Isla Maanta Iyo Caawa Tanaasulkoodda Kaga Dhawaaqa Magaaladda Burco. Iyadoo uu Isla Maanta uu Siddan oo kale u Tanaasulay Suldaan Jaamac Nuux oo Isna ka mid ahaa Musharaxiinta Jagadda Maayarnimadda Ee Degmadda Burco Ku Tartamayey.
Labaddan Muddane ee ka Tanaasulay hankooddii ahaa ku tartamiska Jagadda Maayarnimadda Burco, ayaa ka dhigaysa in aanay cidna maalinta Bari ah Kula Tartamin Musharaxa Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka WADDANI Iyo UCID u asteeyeen Inuu Noqdo Maayarka Degmadda Burco Md Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hero) oo Kasoo Baxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID. Halka Maayar Ku Xigeenka Degmadda Burco loo dooran doonno Isla mudane kasoo baxay Xisbiga UCID.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker