Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ee magaalada Beledweyne

Beledweyne (OWN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo xalay lagu qaaday xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

 

Madaafiicda oo gaadheysay illaa 9 ayaa la sheegay in qaarkood ay ku hoobteen gudaha saldhigga, halka kuwa kalena ay ku dhaceen Xaafadaha Buundoweyn iyo Howlwadaag ee magaaladaasi, halkaas oo ay degan yihiin dad shacab ah.

 

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jabuuti ay dhankooda ku jawaabeen madaafiic, kuwaas oo ku dhacay duleedka Beledweyne.

 

 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen jugta hoobiyeyaashaasi, islamarkaana ay soo wajahday cabsi xoogan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi ay madaafiicda isku weydaarsadeen ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, maadaamna xilli habeen ah uu dhacay.

 

 

Xaaladda ayaa saaka dagan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmadaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker