Tuug Isku Dayey Inuu Dhaco Lacag Saarneyd Baabuur Shil Galay !

Ciidanka Booliska Dalka Suuriya ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Tuug baadhanayey Gaadhi Shil galay.

 

Ciidanka Booliska ayaa waxa uu warkaasi ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Baraha Bulshada ee Facebook  , waxaanay ciidanka  bileyska dalkaasi ku sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen dad isku dayey in ay xadaan amase dhacaan lacag saarneyd baabuur shil ku galay goob u dhaw Magaalo Madaxda Dalkaasi ee Dimishiq.

 

Shilkan ayaa waxa uu ahaa shil ka dhex dhacay laba oo kala ahaa gaadhi yar oo iyo bas waxa aanu shilkaasi ka dhacay jidka Al-Kiswa loo yaqaano waxaana halkaasi ku dhaawacmay shan qof oo qaar ka mid ah dhaawacoodu halis yahay waxaana shilkaasi ku geeriyooday hal qof ka mid ah rakaabkii saarnaa baska.

 

Arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxa ay tahay in markii ay ciidammada nabadgelyada waddooyinku soo gaadheen goobtaasi inay la kulmeen lacag saarnayd gaadhiga yar oo qayb ka mid ah la xaday waxa aanay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan dadkii u nixi waayey dadkii dhaawacyadu soo gaadheen ee inta ay weydaarteen lacagtaasi xaday waxa aanay ku guuleysteen in lacagtaasi oo qiimaheedu dhammaa 20 kun oo lacagta Liirada ah ee dalkaasi laga isticmaalo waxaana dadkaasi haatan loo taxaabay xabsiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker