Hindiya iyo Pakistan oo shacabkooda ka daad gureynaya meelaha qaar

Tobanaan kun ayaa laga daadgureeyay Hindiya iyo Pakistan iyada oo qaybo ka ah talaabo ay lawada wadan qaadayaan si ay ugu hortagaan duufaan aad u daran oo lafilayao in maalinta khamiista ay ku dhufto dalalkaas.

Duufaantan oo lagu magacaabo Biparjoy oo ku dhufatay badda Carabta – ayaa la saadaaliyay inay soo gaari doonto doonto magaalada Kutch ee galbeedka Hindiya ee Gujarat.

Dalka Pakistan, sidookale waxaa la filayaa in duufaantu ay ku dhufato xeebaha gobolka Sindh ayna saameyn ku yeelan karto qaybo ka mid ah magaalada Karachi.

7 qof ayaa ku dhintay dalka Hindiya kadib roobab mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

Dowlada goboleedka Gujarat ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​38,000 oo qof ay ka daadgureysay degmadeeda xeebta ah si ay ugu badbaadiso saameynta ka dhalan karta dufaanta.

Xafiiska cimiladu wuxuu uga digay dadka koronto la’aan iyo fatahaado inay dhici karaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker