Madaxweynaha Somaliya oo sheegay in tillaabo deg deg ah ka qaadi doonaan Al-shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlau falkii ay Al-shabaab ku ay ku laayeen dad rayidka ee ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay tillaabo degdeg ah ka qaadayaan Al-shabaab, si buu yiri “loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka”.

“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada Ciidamada Xoogga ka wadaan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, si looga saaro deegaannada ay halkaasi kaga sugan yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker