“Nin Sahwiyay Ku Noqo Baa U Furan Laba Sujuudood” Mohamed Gacayte

Baarlamaanku xaq ayay u leeyahiin inay diidaan iyo inay ogolaadaan xeerarka ka yimaada xukuumada markay duruufta qiimeeyaan. Hadaba Xeerkan Madaxweynahu usoo gudbiyay ee ka hadlaya adkaynta Nabadgalyada Gobolka Sanaag muxuu kaga duwana xeerarkii iman jiray Golaha Baarlamaanka.
Marka hore xeerkani waa xeer nabadgalyo oo xukuumadu dan u aragtay in lagu xasilin karo 100% nabadgalyada deegaano kamid ah Gobolka Sanaag oo u baahan hub ka dhigis rasmiya. Markaad eegto muhiimada uu xukuumada u leeyahay ansixinta xeerkan, waxa la filayay dhaqdhaqaaq ka yimaada dhanka xukuumada iyo fariimo sida fooraha #dhaameelka, mase ay dhicin ee Sahwi ayaa ku habsaday fadhigii saaka oo foodhi iyo buuq isku badalay.
Qaranku dhisimi maayo hadii maalinba xeer saylada la geeyo oo xeer shilis oo xaabadiisa wata mooyaane xeer kale la eegi waayo oo xeerarkii bulshada u adeegi lahaa ay qabyo yihiin badankoodu. Sidaas darteed waa muhiim in lasoo afjaro dhaqanka xun ee dhaawaca ku ah qaranimada oo inyar loo jirsaday inuu sharci noqdo oo ay xeer kasoo saaraan la yidhaa #Xeerka_Dhaameelka, isna halkaas halagu xabaalo mooshin quute danbana hay daayo waayo Dhaameel Qaran laguma dhiso hadii kale wuu dheeliyi.
Mudanayaasha Laba Aqal Baarlamaanka xilbaa ka saaran umada iyo shacabkii soo doortay, waar isdaba qabateeya mudada yar ee idiin hadhay,  Danta umada ka horaysiiya danta shakhsiga. Naanaysta xuni ma hadho ee qarankiina u tudha oo nin jaclaysi iyo nin necbaysi intaad iska dhaaftaan xilka aad qaranka u haysaan garta oo waajibka idin saaran in laydin ka  laaluusho ha sugina taasi nusqaan iyo nacasnimo ayay idinku tahay.
Xukuumada Madaxweyne Biixi waxaan ku bogaadinayaa ilaalinta iyo wadashaqaynta golayaasha qaranka mid kasta hawshiisa u madax banaanaado oo halbeegu noqdo shaygaas dan umada ma u yahay mise maaha iyadoo maskax fayow iyo fiirsi dheer lagu eegayo duruufta jirta, waqtiga la joogo iyo baahida keentay.
Wabilahi tawfiiq
Qalinkii: Mohamed Adan Gacayte.
Hargeysa/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker