Kooxda Man united oo u Riyaaqday Soo kabashada dhaawicii gaadhay Jadon Sanch

Man United ayaa Tababarka dib ugu soo dhawaysay xiddiga Jadon Sancho kadib markii uu xiddigu dhaawac kaga Maqnaa waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa seegay kulankii uu xulka England 4/0 kaga badiyay xulka Hungary isaga oo ku soo laabtay Manchester si uu uga soo kabto dhaawac soo gaadhay.

Dhaawaca Sancho ayaa la ogaaday inaanu shsyn mid halis ah , waxana uu xiddigu tababarka buuxa la qaatay kooxda inteeda kale Salaasadii shalay ka hor soo laabashada premier League.

Xiddiga reer England ayaa sidaas darteed diyaar u noqon doona kulanka Newcastle United ee Sabtida waxana uu tababarka la qaatay saxiixa cusub ee kooxda Cristiano Ronaldo.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Man United maadama ay xiddiga u aragto mid muhiim ka ah qorshohooda xilli ciyaareedka premier League.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker