Sheekh axmed Oo ka hadlay sababta loo riday Raiisul wasaarihii Pakistan Imran Khan

Sheekh axmed oo kamid ah Culimada ugu saraysa Dunida Muslimka ayaa ka hadlay sababta loo riday Raiisu wasaarihii Pakistan Imran khan,wuxuuna yiri sidan .

“ Mashkilada ugu weyn ee Dunida Islaamka haysata casrigan,waxa weeye markuu usoo baxo Hogaamiye Halyey ah,waxaa loo soo adeegsadaa oo shirqoolaya kuwo isaga la dhashay, oo la dhiig oo la Diin ah,mana Jirto arin ka Xanuun badan oo maanta islaamka haysata .

Anigu Raiisul wasaare Imran Khan 2 mar ayaan la kulmay,wuxuu ahaa nin ka Duwan Madaxda islaamka ee Waqtigan,wuxuu ahaa Geesi iimaan leh oo Diinta sifiican ugu dhaqma ,oo ku adag wuxuu u arko inay dan iyo karaamo ugu jirto Dadkiisa iyo Dalkiisa .

Bilo kahor ayaan daawaday isagoo leh,Pakistan Dhibaato ugama horayn markay Xulafo la noqotay Maraykanka,Sababtoo ah buu yiri iyagaaba abuura argagixisada la sheego ,wuxuu kaloo intaas ku daray ,Markii aan Xilka qabtay Pakistan waxay si tartiib ah uga baxday Xulafadii Maraykanka, markaas ayayba Pkaistan Nabad noqotay ayuu yiri Cajiib .

Maraykanka iyo qaar kamid ah Reer Yurub oo Imran Khan u Malaynaya Raiisul wasaarayaashii hore ee ay ku shaqaysan jireen ayaa usoo jeediyey inuu garabkooda noqdo oo uu Cunaqabatayn saaro Ruushka ,Lknse wuu ka diiday dallabkoodii .

Weliba intuu Warbaahinta hor yimid ayuu yiri ma waxay noo maleeyeen Adoomo ay iyagu leeyihiin,Markay Hindiya maalin kasta xasuuqayso Muslimiinta Kishmiir ,maxay hindiya arintaas ugu Cunaqabatayn waayeen ,intaa wixii ka dambeeyey waxaa la Bilaabay Shirqoolkii lagu ridi lahaa, kuwaasi keliya waa waxyaabaha Muuqda ee loola dagaalamay Walaal Imran Khan .

Maantoo oo kale ayaa Muslimiintu tebayaan gaar ahaan Reeer falasdiin markay weeraro gardaro ah kusoo qaado israel ,Cod dheer ayuu maantoo kale falasdiin ugu hiilin jirey ,waxaan Hubaa maalin aan fogayn inuu soo laaban doono isagoo ka xoogan sidiisii hore.

waxaana tusaale kuugu filan malaayiinta mudaharaadyo ay ku taageerayaan imran isugu soo baxday markii xilka shirqool looga qaaday.

Mashkilada ugu weyn ee Dunida Islaamka haysata casrigan,waxa weeye markuu usoo baxo Hogaamiye Halyey ah,waxaa loo soo adeegsadaa oo shirqoolaya kuwo isaga la dhashay, oo la dhiig oo la Diin ah,mana Jirto arin ka Xanuun badan oo maanta islaamka haysata “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker