“Maadaama Xisbiga WADDANI Aannu Wax Wadashaqayn ah La Lahayn Komishanka Qaranka Oo Ay Yidhaahdeen Shaqo Noo Qaban Maayaan, Haa Doorashadii Dib Bay U Dhacaysaa.”

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa waxa uu ka warbixiyay kulan ay xisbiyada iyo Koomiishanka Doorashooyinku shalay wada qaateen oo lagaga wada hadlayay qabsoomida Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka oo qorshaysnayd inay qabsoomaan horaanta 2019.

“Komishanku wuxuu noogu yeedhay warbixin inuu na siiyo, shaqooyinkii u qabsoomay u diyaar garowga doorashooyinka isa saaran, inta u dhiman iyo dariiqa ay marayaan.” Ayuu yidhi Axmed Cabdi Dheere

Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere waxa uu sheegay inay qabaan in ay dib u dhacayaan Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanku, Isagoona ugu baaqay axsaabta siyaasada ugu baaqay inay markale isugu yimaadaan miiska wada hadalka si xal looga gaadho walaaca laga muujinayo qabsoomida Doorashooyinka.

“komishenku way noogu dareen warbixintooda, caqabadaha hortaagan doorashada, in wadashaqayntii xisbiyada qaarkood aanay jirin oo ay yihiin caqabado hortaagan, talana waa ay nag siiyeen sidii ay xisbiyadu isugu iman lahaayeen mar labaad, si ay doorashadu innoogu qabsoonto, annaguna waannu ka garownay.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker