Saddex arrimood maarayntooda ayaa aadmiga ku qasabtay in uu nidaam dawladnimo samaysto

1. DOONISTA SED-BURMIIMO: Magaalada aan degganahay ee Hargeysa haddaan tusaale u soo qaato dhulku wuxuu gacanta ugu jiraa qiyaastayda male’awaalka ah 5% mushtamaca ka mid ah. Sidaas oo ay tahay haddana dadka ugu baahida badan xagga dhulka ee maalin kasta cid cusub maxkamadda ay isla soo galaan waa 5% ka. Dulucduna waa sed-bursiimo-doon uun!
2.DOONISTA BADBAADO: Marka qofku hantida ugu badan yeesho cabsida ugu weyn ee soo wajahdaa waa siduu u badbaadi lahaa si uu ugu raaxaysto xoolaha badan ee uu sed-bursiimaha ku helay.
3. DOONISTA XUSHMAD: Qodobka labaad na marka uu helo wuxuu uga gudbaa baadi-goobka xushmadda xilligaas na wuxuu dadka dhiiggooda u daadiyaa isaga oo rumaysan in aan loo xushmayn sidii uu xaqa u lahaa. Darajadan saddexaad haddaan tusaale aad wada fahmi kartaan u soo qaato waa xagga dhacdooyinka ugu badan ee Kibirka iyo qooqa ku ab-tirsadaa ay ku jiraan taariikhda Soomaalida.
Hadda ba saddexdan baahiyood oo Aadamuhu uu la dhasho haddii ay dabar waayaanna xadhko-goosta, ugu dambaynna natiijada ka dhalataa ay halaag ku soo biyo shubato si loo maareeyo ugu yaraanna qodobka saddexaad waxyeelladiisa meesha looga saaro ayuu Aadmigu nidaamka dawladnimo u dhistay.
Cabdinaasir Axmed Abraham

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker