Shacabka Reer Somaliland Oo Ka Falceliyeen Dhaqaalaha Ay Somaaliya Kaga Qayb-qaadanayso Gurmada Tabarucaadka Suuqa Waaheen

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga falceliyey deeqda dowladda Soomaaliya ugu yabooday Somaliland, si loogu gurmado walaalaha ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa Haaween.

Shacabka ayaa muujiyey inay si weyn ugu faraxsan yihiin deeqda uga timid walaalahooda Soomaaliyeed, isla-markaana ay soo dhoweeynayaan.

“War aniga nin yahow dowladdaasi Soomaaliya aynu jaarka nahay oo walaalaheyna anigu deeqdaasi ay bixisay ee igu horreysay ay ugu yaboohday lacagtaas faraha badan ee ay ugu deeqeyso walaalahadooda Somaliland anigu aad iyo aadbaan usoo dhoweynayaam,” ayuu yidhi Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo intaasi kusii daray “Waa walaalnino waa Soomaalinimo, waana kuwii ugu horreeyey aynu wax u doonan laheyn, saas oo kale, haddii ay iyagu ku dhacdo waa tii aynu tari laheyn,”.

Sidoo kale wiil kale oo la hadlay Wariyeyaasha oo ka aragti dhiibtay arrintan ayaa sheegay in la’isku hayo arrin maamul oo kaliya, balse la’isku gurman karo, si walaalnimo ah.

“Dowladnimadu iyo walaalnimo waa kala kaan wixii aan isku heynaa waa in laba dowladood iyo laba dad oo walaalo nahay weeye marka saas ayaan isku caawineynaa,” ayey yidhaah-deen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker