Kenya oo xayiraad kusoo rogtay dad lagu eedeeyey maal-gelinta Al-Shabaab + Magacyada

Nairobi (OWN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi ayaa amar deg deg ah ku bixiyey in xayiraad la saaro akoonada dad lala xiriiriyay inay maal-geliyaan xarakada Al-Shabaab.

 

 

Dadka uu wasiirku amarka ku bixiyey in la xayiro akoonadooda ayaa waxay dhalasho ahaan kasoo jeedaan Kenya, iyada oo tiradooduna ay dhan tahay sagaal qof.

 

Sagaalkan qof ayaa ku eedeysan inay maal-galiyaan kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka geysata gudaha dalka Kenya, isla markaana uu dagaal xoogan kala dhaxeeyo dowladda Kenya.

 

 

“Waxaan amrayaa in la xayiro lacagaha iyo hantida shaqsiyaadka iyo hay’adaha soo socda” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Argagixisanimadu malaha sahdin, iskumana dhiibi doono gacmahooda oo u gacan gali mayno”.

Matiangi ayaa ku doodaya in dariiqa kaliya ee lagu dabri karo argagixisada ay tahay in bur-buriyo shabakadaha u fududeydiya howlahooda, kuwaasi oo qeyb ka yihiin kuwa ka geysta gacanta maaliyadeeda.

 


Sagaalka qofka ee akoonadooda loo xayiray maal-gelinta argagixisada ayaa kala ah:

 

 

Halima Ali, Waleed Zein, Sheikh Boru, Mohammed Ali, Nuseiba Haji, Abdimajit Hassan, Mohammed Ali Abdi, Muktar Ali iyo Mire Elmi.

Kenya ayaa weeraro joogta ah kala kulanta maleeshiyada Al-Shabaab, xili ay muddooyinkii dambe la fashilyay weeraro qorsheysnaa oo laga fulin rabay gudaha dalkaasi.

 

 

Arrintan ayaa ku soo aadayesay Sanad kadib markii ay dowladda Kenya ay sameysay goleyaal gaar ah oo loogu talo-galay la dagaalanka xag-jirnimada.

Wuxuuna howl-galkan qeyb ka yahay hindisahaasi loogu talagalay in lagu joojiyo xagjirnimada iyo bur-burinta ilahooda dhaqaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker