Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Iyo Ku-xigeenkiisii oo dib Loogu Doortay Guddoonka EPRDF

Addis ababa(OWN)-  Shirweynaha 11-aad ee Isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya, ayaa maanta dib ugu doortay Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed inuu sii  ahaado Guddoomiyaha xisbal-xaakimka.

 

Siday faafisay  Fana News,  waxa kaloo shirweynahan dib loogu doortay Guddoomiye ku-xigeenka EPRDF  Demeke Mekonnen  oo ah Raiisul-wasaare ku-xigeenka dalkaas.

Warku wuxuu intaas ku daray in Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ay u coddeeyeen  inuu noqdo Guddoomiyaha  Isbahaysiga EPRDF 176 xubnood oo ka mid ah 177 ergay oo shirweynahan oo maanta la soo gabogabeeyey  codkooda ka dhiibanayey.

 

EPRDF ayaa  Guddoomiye  xisbal-xaakimka iyo Raiisul-wasaaraha dalkaas  u doortay Abiy Axmed bishii March ee sannadkan, ka dib markii uu iscasilay Guddoomiyihii hore Hailemariam Desalegn. Waxaanu Mr.Abiy ka hirgalayey Itoobiya isbeddelo waaweyn oo dhinaca siyaasadda ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker