Muuse Ma’oga Mise Wuu Og’yahay?

Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo calankii towxiidka ku xardhanaa hoos u dajisay, Somaliland waa wadanka labaad ee haddii qoraxdu u soo baxdo iyo haddii ay maqan tahayba la muujiyo oo uu iftiiminaayo towxiidka ku xardhan calanka astaanta qarankoodu ee aan la dajin calankooda.
Haddaba, sida ka muuqata maanta ka muuqata goobtii ay ka babanayeen 24-ka calan ee lagu xusayey 18-ka May – sannadkan , ayaan hoos loo dhigay 23-ka mid ahaa calamadaas, hal calan oo u furmi waayey mooyaane.
Sida aan ku hellay warar xogogaal ah, waxa la ii sheegay in uu hoos u dhigay calamadaas Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Maxamed Cali Bille.
Dhinaca kale, waxa aan habayaraatee si fiican u gudan shaqadoodii saxaafada iyo xisbiyadda mucaaridka ee jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ka seexday in ay saxaan ama ay toosiyaan wixii ka khaldama xukumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madax-weyne Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kalena, waxaan ku boorinlahaa dhalin yarada muwaadiniinta ah in ay hoos u eegaan khaladaadka ka jira xukumada si aynu u saxno wixii ka khaldama.

 

 

Maxamed Faarax Qoti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker