Madaxweyne Muuse Biixi Oo Madaxtooyadda Ku Qaabilay Mujaahid Axmed Mire

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Axmed Mire Maxamed , oo ka mid ahaa udub-dhaxaadkii Ururkii SNM.

Kulanka oo Saacado qaatay waxa madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Boos Mirre Maxamed.

Qoraal kooban oo wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed kaahin Axmed bartiisa Facebookga soo dhigay oo uu kaga hadlay kulankan ayaa waxa uu ku yidhi sida:
“Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Muj. Axmed Mire Maxamed oo ka mid ahaa udub dhexaadkii iyo Tiirarkii ugu miisanka cuslaa ee Ururkii SNM, Kulan saacaddo qaatay oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Muj. Axmed Mirre Maxamed ayaan ku wehelinayay aniga iyo Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Boos Mirre Maxamed.
Kulanku wuxuu ku soo Dhamaadey Is faham buuxa, Xoojinta Iyo adkeykaynta Midnimada Qarankeena Somaliland.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker