Wasiir Cali Mareexaan Oo dib u kiciyay ceelasha Qorilugud iyo Qabri-Huluul

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Cali Mareexan Oo Dib U Hawl Geliyey Riigag Hore U Fadhiistay Kuwaas Oo Waraabin Jiray Dadka Reer Guuraaga Ah.

Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL Cali Mareexaan ayaa dib u kiciyay ceelasha Qorilugud iyo Qabri-Huluul oo muddo fadhiyey kuwaas oo hadda dayactir balaadhan lagu wado.

Wasaaradda horumarinta Biyaha S/land tan iyo intii loo magacaabay Wasiir Cali Mareexaan ayaa guud ahaan dalka waxaa gaadhay markii ugu horaysay dadaalka iyo shaqada baaxadda leh ee biyaha loogu soo saarayo shacabka looguna dayactirayo riigagii fadhiyay iyo samaynta dhaamam iyo goobo biyo laga heli doono.
Waxaana xilliyada inagu soo foolleh guud ahaan Shacabka ku dhaqan gobolada iyo deegaamada dalka Wasaaradda horumarinta biyuhu ka haqabtiri doontaa Baahida dhanka Biyaha.

Sikastaba ha ahaatee Wasiir Cali Mareexaan ayaa noqon doona masuulka markii ugu horeeyay hirgeliya Siyaasadda dhanka Biyaha ee xukuumadda iyo Xisbiga kulmiye shacabka u balanqaadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker