Budhcadkii Ugu Weynaa Faransiiska Oo Xabsi Ka Baxsaday

Burcadkii ugu weynaa Faransiiska ayaa xabsi dayaarad kaga baxsaday,Baxsiga uu ku baxsaday dayaarad qumaati u kacda (Helicopter) mid ka mid ah ragga ugu naxariista daran burcadda Faransiiska, Radoine Faid, ayaa waxaa qaaday afar ama shan ka mid ah saaxiibadiisa aadka ugu dhow ee daacadda u ah, sida ay boolisku sheegeen.

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qaabkii ay raggaas xabsiga ugu dheceen. Waxaa la sheegay in ay jabsadeen halka loogu tala galay dadka xabsiga soo booqda, ka hor intii aysan dayaarad kula baxsan ninkaas.

Booliska Faransiiska ayaa ka digay in “dabeecad wanaagiisa iyo soo jiidashadiisa ay ku hoos qarsoon tahay shakhsiyadiisa khatarta ah”. Wasiirka caddaaladda ee Faransiiska ayaa ka gaws adaygtay in baaqyo ku aaddan arrintan darteed ay isu casisho.

“Muran kama taagna in aan dhamaanteen mas’uul ka nahay wixii ka dhex dhacay maamulkayga, laakin anigu shakhsi ahaan go’aannadaas ma gaaro” ayey tiri Nicole Belloubet oo la hadlaysay warbaahinta RTL.

Waxay sheegtay in telefoonnada gacanta dhamaantoodba khadka laga saari doono xabsiyada Faransiiska wixii ka billowda bisha Oktoobar. Faid wuxuu isugu yeeraa inuu yahay nin jecel daawashada aflaamta burcadda, wuxuuna abaal uga hayaa inuu ka bartay qaababka la ayaabka leh ee wax loo dhaco.

Mar ayaa jirtay uu u sheegay majalladda Point in filimka Heat ee soo baxay 1995 uu 7 goor shineemo ku daawaday, 100 goorna DVD, si uu qaybqayb ugu arko qaabka gaadiidka gaashaaman wax loogu dhaco. Kumanaan booliska ka tirsan ayaa qayb ka ah baadigoobkiisa.

Booliska Faransiisku waxay sheegayaan in ay diiradda saarayaan baadigoobka gudaha, balse ay dhici karto in Faid uu dibadda u baxsaday. Wax badan lagama oga dadka Faid u dhowdhow, sida uu sheegay madaxa barista dambiyada qorshaysan ee Faransiiska Philippe Veroni.

Subaxnimadii Axadda ayaa laba nin oo u muuqday sidii wiil iyo aabihiis, da’doodana lagu qiyaasay 20meeyo iyo 50meeyo, waxay tageen goob dayaaradaha yaryar lagu barto oo ku taalla Fontenay-Trésigny, si ay u qaataan casharkii ugu horreeyey ee duullimaad.

Duuliyaha, Stephane Buy, wuxuu u sheegay RTL in mar ama laba goor oo hore uu la kulmay, laakinse subaxaas Axadda ay labadaas qof u muuqdeen inay wax badan ka yaqaanaan isaga iyo dayaaraddaba, ayagoo weydiistay dayaarad gooni ah oo ay danaynayeen.

Waa uu ka diiday, wuxuuna u sheegay inaysan ku haboonayn in dadka cusub ay duullimaad ku sameeyaan, laakin waa la qafaashay, waxaana loo hanjabay qoyskiisa, sida uu sheegay.

Helikobtarka ayaa loo duuliyey meel ay qof seddexaad ka sii mareen, ayadoo Mr Buy qori lagu hayey. Xabsiga Sud-Francilien, Faid wuxuu walaalkiis la joogay halka loogu tala galay dadka soo booqda xabsiga markii dayaaraddu ay ku soo degtay meel banaan oo aan lahayn shabaqa dayaaradaha looga celiyo inay soo degaan.

Raggii meesha ka saarayey waxay isticmaaleen qalabka wax lagu dalooliyo iyo bambooyinka qiiqa sii daaya, si ay xoog ugu galaan xabsiga, halka qaar kalena ay ilaalo ka hayeen duuliyaha iyo dayaaradda.

Markii ay duuleen ayagoo saaxiibkood xabsiga kala soo baxay, waxay dayaaradda la aadeen dhanka deegaanka Gonesse, halkaasoo ay dayaaradda kaga tageen, waxayna ka raaceen gaari sii sugayey oo isaga qudhiisa la helay isagoo gubtay.

Gaari kale oo ay ku beddesheen ayaa isna laga helay deegaanaka waqooyiga Paris ee Oise.

Ms Belloubet ayaa ku tilmaantay hawlgalkaas inuu ahaa “baxsasho la yaab leh”, waxayna sheegtay in ay dhici karto in kooxdaas ay adeegsadeen dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Drones, kuwaasoo ay xabsiga ku sii sahansadeen.

Faid waa 46 jir, waxaana lagu yaqaanaa inuu jecel yahay aflaamta Hollywood ee dhaca oo uu sheegay inay dhiirrigaliyeen qorshayaashiisa.

Mar buu la xiriiray filim soo saare Michael Mann oo sameeyey filimka Heat, mar uu joogay bandhig aflaam oo lagu qabtay Paris, wuxuuna ku yiri “waxaad ahayd la taliyahaygii dhinaca farsamada”.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu xabsi si yaab leh uga baxsado. 2013, wuxuu baxsaday isla markii lagu soo xiray xabsiga Sequedin, isagoo qaraxyo u adeegsaday ilaa 5 albaab oo xabsiga ku yaallay, dhanka kalena waardiyihii xabsiga ka dhigtay gaashaan ama gabbaad.

Wuxuu ku soo koray xaafadaha ay burcaddu u badan yihiin ee Paris. 1990 wuxuu madax u ahaa koox burcad ah oo ku lug lahayd dhac hubaysan iyo baad laga gaysan jiray caasimadda Faransiiska. Wuxuu sheegay in noloshiisa ay dhiirrigaliyeen aflaamta burcadda ee Hollywood, oo uu ku jiro filimka uu dhigay jilaaga Al Pacino ee Scarface.

Xigasho: BBC SOMALI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker