Barlamnka Puntland oo Wasarada Deeganka Su’aalo ka Waydiinaya Geed-quwaaxa

Mas’uuliyiinta wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa lagu wadaa in ay saaka hortagaan Baarlamanka.

Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Axmed Yuusuf Qahar (Labbeyka) ayaa Xildhibaannada Baarlamanka warbixin ka siin doona Shaqada ay u xilsaarantahay Wasaaraddiisa ee Arrimaha Degaanka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale la filaya in ay Madaxda Wasaaradda su’aalo kala duwan ka weydiiyaan Kiiska Xasaasiga ah ee dhoofinta Dhirta Geed-quwaaxa iyo guud ahaan Arrimaha Degaanka iyo Cimilada.

Xeer Ilaalinta Puntland ayaa horay u sheegtay in Kiiska dhoofinta geed-quwaaxa ay ku eedaysan yihiin mas’uuliyiin xasaanad leh oo Xildhibaanno ku jiraan inkastoo aysan magacyadooda sheegin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker