Wasiir Koore Iyo Wasiir Faratoon Oo Wacyigelin Ku Saabsan Diwaangelinta Kaga QaybGalay Magaalada Laascaanood.

Wasiirrada wasaaradaha warfaafinta iyo arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xarunta gobolka Sool ee Laascaanood kaga qayb galay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan diwaangelinta kaadhka codbixinta doorashooyinka.

Sida uu ku soo waramayo wariye Barkhad Cumar Axmed oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sool, kulankaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Sool University ee magaalada Laascaanood waxaa ka qaybgalay wasiirrada wasaaradaha warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), maamulka gobolka Sool, ka degmada Laascaanood, madax-dhaqameed, Haween, dhallinyaro Ardayda Jaamacadaas, iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaana halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), oo ugu baaqay bulshada gobolka Sool in ay doorkooda ka qaataan una soo baxaan diwaangelinta kaadhka codbixinta doorashooyinka oo gobolka Sool ka bilaamaysa maalinta beri oo Axad ah bishuna tahay toban, wuxuuna Ardayda wax ka barata Jaamacadda Sool University u soo jeediyey in ay ka qayb qaataan wacyigelinta bulshada si dadku isu diwaangeliyaan.

Sidoo kale, oo isna halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo tilmaamay muhiimadda ay diwaangelintu u leedahay bulshada ku dhaqan gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland, wuxuuna kula dadaarmay dadweynaha gobolkaas in ay isdiwaangeliyaan si ay u qaataan kaadhka codeynta doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomi doona sannadkan aynu ku jirno.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo bulshada reer Sool iyo dadka ku nool degmooyinka ay ka bilaamayso diwaangelintu kula darddarmay in ay xilweyn iska saaraan sidii ay isu diwaangelin lahaayeen waxayna xuseen in qofkii aan isdiwaangelin aanu xaq u yeelanayn inuu codeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker