Nin dilaa Ah Oo 35 Sanadood la raadinaayey oo markuu dhintay la ogaadey ciduu ahaa!

Muddo tobonnaan sanadood ah dambiyada uu gaystay dilaaga aan naxariista lahayn ayaa waxaa baarayay waaxda dambiyada ee Paris .

Hasayeeshee haatan askari hore uga tirsanaan jiray booliska sida milateriga u tababaran ayaa la sheegay inuu qirtay inuu ahaa dilaaga loo yaqaannay Le Grêlé – ninkii wajiga tushtushta ku lahaa – ka hor inta uusan dhiman.

Ninkaas oo gudaha Faransiiska looga yaqaan François Vérove, ayaa dhiiggiisa hiddasidaha waxa ay isku mid noqdeen dhiig laga qaaday dhowr goob dambiyeed oo lala xiriiriyay Le Grêlé.

Dadka uu dilay iyo kufsiga uu gaystay ayaa waxaa ka amakaagay dadka magaalada Paris intii u dhaxaysay 1986 iyo 1994 hasayeeshee illaa hadda dhibaatadaasi xal looma helin.

Falal dambiyeedka naxdinta leh ee ninkaasi loo tiiriyay waxaa ka mid ah dilka Cécile Bloch oo aheyd 11 sanno jir. Waxaa la soo weriyay in la waayay gabadhaas kaddib markii ay iman waysay iskuul ku yaalla magaalada Paris sanadkii 1986.

“Weligeen ma ogaan doonno dhammaan dambiyada uu gaystay Le Grêlé,” ayuu yiri Didier Saban, oo ah qareenka qoysaska matalaya.

Vérove ayaa waxaa lala xiriiriyay afar dil iyo lix kufsi hasayeeshee Mr Saban ayaa sheegay in shaki la’aan ay tiradu intaas ka badan tahay, dhimashadiisuna ay qoysasku ku keentay inay jawaabihii ay rabeen ay waayaan.

Maydka dilaaga ayaa waxaa laga helay guri kiro ah

Sawirka Le Grêlé ayaa muddo tobonnaan sanadood ah waxa uu surnaa darbiyada guutada baarta dambiilayaasha ee waaxda cadaallada ee booliska magaalada Paris.

Image of pockmarked man Le Grêlé that has haunted police for decades
Muddo 35 sanadood ah ayaa waxaa la baacsanayay dilaaga halista ah ee loo yaqaan Le Grêlé
1px transparent line

Kiiskaasi dabacsanaa ayaa ugu dambayntii guntiisa loo dhacay kaddib markii xaakim waxbaarayay uu dhawaan go’aansaday inuu warqado u diro 750 askari oo waagaas ka tirsanaa askartii booliska ee sida milateriga u tababarnayd ee ka howlgeli jiray magaalada Paris.

59-jirkan la helay maydkiisa ayaa ka tirsanaa ciidammada booliska ee sida milateriga u tababaran ka hor inta uusan noqon askari boolis ah kaddibna uusan howlgabka noqon, waxaa 24-kii Sibteembar u yeeray booliska si shan maalmood kaddib loogaga qaado dhiigga hiddasidaha.

Xaaskiisa ayaa 27-kii Sibteembar waxa ay soo sheegtay in ninkeeda la la’yahay.

Maydkiisa ayaa waxaa laga helay guri kiro ah oo ku yaal degmada Grau-du-Roi ee ku taal xeebta badweynta Mediterranean-ka, iyadoo ay dhinac taallay warqad uu ku qoray farriintiisa isdilka. Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in dhiiggiisa hiddasidaha ah ay isku mid noqdeen caddeymo laga helay dhowr goob oo uu fal dambiyeed ka dhacay.

Waxa ku qornaa warqaddaasi ayaanan la xaqiijin hasayeeshee wararka ka imanaya Faransiiska ayaa sheegaya inuu qirtay inuu jiray “rabitaan hore” mar uu yiri “waan is uruuriyay”. Waxa uu u muuqanayay inuu qirtay dilka isagoonan wax faafaahin ah ka bixin dhibannayaasha ama xaaladaha ay falalkaasi ku dhaceen.

‘Nin aad isu huba’

Naanaysta Le Grêlé waxa ay baxday markii caddayn waqtigaas laga helay dilkii Cécile Bloch.

Haweenaydna la dilay nin ay isku hooyo yihiin, oo lagu magacaabo Luc Richard, ayaa ka mid ahaa dadkii goobtaas deganaa ee xasuusta inuu dhismahooda ku arkay nin wajiga tushtush ku leh maalinta uu fal dambiyeedka dhacay, dhismahaas oo ku yaal xaafadda 19-aad ee waqooyiga Paris.

Maydka Bloch ayaa markii dambe waxaa laga helay dhul dhaca hoose ee dhismaha iyadoo ku hoos jirta roog. Saraakiisha ayaa sheegay in gabadhaasi la kufsaday, la ceejiyay oo la tooriyeeyay, kiiskaasina waxa uu walwal iyo walaac ka dhaliyay guud ahaan Faransiiska.

Walaalkeed oo booliska ka caawiyay inay sawiraan sida uu u egyahay qofka laga shakisan yahay, ayaa xasuusta in ninkaasi ay wiishka isla raaceen, kaas oo u muuqanayay “nin aad isu huba”.

“Waxa uu igu yiri, ‘Maalin aad iyo aad u wanaagsan,’” ayuu sheegay inuu xasuusto mar uu 2015-kii wareysi siinayay wargeyska Sud Ouest.

Mr Richard ayaa hore uga hadlay sida kiiskaasi uu u dhibay, isagoo sheegay inuu mudadaas la nolaa “dareen wayn oo ah inaan cadaalad la helin”.

Caddayn dhiigga hiddasidaha ah ayaa dilka marwo Bloch waxa ay ku xiriirisay dilal iyo kufsiyo kale.

Waxaa ka mid ah dil-ka 38-jir lagu magacaabi jiray Gilles Politi iyo Irmgard Müller kuwaas oo la dilay 1987.

Warar maxalli ah ayaa sheegaya in ninkaasi lala xiriiriyay dilka 1994-kii loo gaystay gabar lagu magacaabi jiray Karine Leroy, taas oo maydkeeda la helay muddo bil ka badan kaddib, kaddib markii la waayay xilli ay iskuul aadday.

A file picture shows the logo of the National Gendarmerie Intervention Group
François Vérove ayaa waxaa loo malaynayaa inuu isaga tegay booliska sida milateriga u tababaran sanadkii 1988

Kufsi loo gaystay haweeney Jarmalka u dhalatay oo 26-jir aheyd, iyo gabdho 14 iyo 11 jirra ah, ayaa qofka laga shakisan yahay la sheegay inuu isugu sheegay inuu yahay askari boolis ah.

“Waxaannu rumaysnayn inuu ahaa askari boolis ah ama booliska sida milateriga u tababaran ee genderme, kuwaas oo aan ku cabbirnay awoodda uu u adeegsaday dhibanayaasha iyo xeeladaha uu qaatayba,” ayuu qareen matalayay dhibbanayaasha u sheegay taleefishinka France Info TV. Mararka qaar waxa uu dhibbanayaasha tusinayay kaarkiisa oo ay ku dheggantahay calaamadda calanka Faransiiska ee saddexda midab leh.

Mr Saban ayaa rumaysan in dilaaga uu wax walba u sameeyay si uu u xaqiijiyo in dhiiggiisa hiddasidaha ah uusan uga tegin goobaha fal dambiyeedyada. Hasayeeshee haatan huwiyaddiisii waa la shaaciyay oo waxa uu doonayaa in dambiyadii aanan xalka laga gaarin in dib loo furo taas oo aanan waligeed la adeegsan dhiigga hiddasidaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker