Shaxda KULMIYE shacabka WADDANI iyo shaadirka UCID

Doorashadan baaralamanka iyo deegaanka ee soo socotaa wax badan kama duwana tii 2017.Hadii aan ku horeeyo
shaxda Kulmiye: waa shaxdii hore uun oo waxaad arkaysaa inuu kaadhadhkii lagu codaynayey weli aanu qaybin waxaanu ku talo galay inuu qaybiskaa wado ilaa ayaamo yar ka hor inta aan doorashada la gelin. Ta macnaheedu waxa weeye inuu 80,000 ee kaadh ee uu doorashdii hore meesha sii dhigtay doorka dadka ka yara xishoodo oo uu 70.000 oo qudha meel sii dhigto oo haduu doorkii hore helay ku dhawaad boqolkiiba 55% uu doorkan qaato boqolkii 51% qudha.
Shacabka Waddani:Waddani waxaad arkaysaa in shacabka somaliland boqolkiiba siddeetan taageersan yihiin una taageersan yihiin si ka sii badan sidii ay u taageersanaayeen 2017 laakiin aanay weli ka faaìidaysan qaladkoodii hore oo haba yaraatee aanay jirin isla xisaabtan ka dhexeeya iyaga iyo komissionka . waxaad arkaysaa inay sidii 2017 isu haystaan inay guushu meel isaga sii taal laakiin waxaanay ogayn in doorkan loogu talo galay in la siiyo boqolkiiba 39% oo ka yar intii ay doorkii hore heleen.
Shaadir UCID: Ucid waa xisbiga keliya ee doorashadan kor uga soo kacaya intii uu helay tii 2017.wuxuu sitaa shaadir madow oo ah dusha ka Waddani hoosta ka Kulmiye .in kasta oo ay tegeen reer kasta intii daad xoortu qaaday hadana waxa hubaal ah inuu shaadirkaa wax badan ku faa`iidi doono oo uu heli dooni tiro ku dhow boqolkiiba 10%.
Ugu danbayntii waxan rabaa saddexdan heesood ee geela loogu heeso inaad xisbi kasta siisaan heesta uu leeyahay.
⦁ Howga karantiyo hilaac yada beri iskuma heshid mid uun ku hagaag mid uun ku hab dhabo.
⦁ Kuwii dhaantada kaa dhex tuman jiray miyey dhoofeen ma dhulkaa liqay
⦁ Derbi caga weyn darka loo dhigo waa wax doqon oo way iska dumisaa.

Waa qalinkii: Baxnaan xaaji aden diiriye

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker